Chelsea oo iibsatay ciyaariyahankii ugu horeyay xagaagan -Waa kuma?
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Kooxda Chelsea ayaa iibsatay ciyaariyahankeedii ugu horeeyay xagagan kaas oo noqday weeraryahanka Bayer Leverkusen, Andre Schurrle.
22 jirkaan oo mudooyinkaan lala xiriirinayay garoonka Stamford Bridge ayaa waxaa ugu dambeyn urumoqday riyadiisa.
Chelsea ayaa si rasmi ah ushaacisay in laacibkaan ay iibsadeen goordhow.
Bayer Leverkusen ayaa qaadatay £18million sida ay sheegtay jariirada Daily Mail.
“Chelsea Football Club iyo Bayer 04 Leverkusen waxaa ay gaareen heshiis ku saabsan Andre Schurrle, waana la dhameystiray wax walba ayaa lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Chelsea .
Xidiga khadka dhexe ee wadanka Beguim Kevin de Bruyne oo ay Chelsea leedahay ayaan qeyb ka aheyn heshiiskaan .
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by