Xulka difaacanaya koobka Adduunka ee Spain oo maray taajibooyin caafimaad+sawiro
Ciyaaryanada Spain ee ku guuleystay koobkii Adduunka ee South Africa ka dhacay afar sano ka hor ayaa haatan ku jira u diyaar garowga koobka Adduunka waxaana ay marayaan tijaabooyin lagu ogaanayo caafimaadkooda. Xiddigo ay kamid yihiin David Silva iyo Pepe Reina ayaa isniintii shalay Madrid ku maray tijaabadan. Xiddigaha ka ciyaara Premier league […]
May 27 2014 | Posted in
Spain,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Adnan Januzaj markiisii ugu horeeyay u saftay Belgium guulna la gaaray+sawiro
Xiddiga Manchester United Adnan Januzaj ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulka wadanka Belgium tan iyo markii bishii hore uu doortay dalkan. Waliba guul ayuu kula bilowday dalkiisa oo 5-1 ugu badiyay xulka Luxembourg. Ciyaaryahanka Chelsea amaahda ugu maqan ee Romelu Lukaku ayaa dhaliyay hat-trick ama seddex gool,waxaana goolasha kale raacsaday Chadli iyo De Bruyne. […]
May 27 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Daawo Sawirada Xiddigaha Brazil oo la mariyay tijaabooyin caafimaad
Xiddigaha xulka Brazil ayaa ka gudbay mid kamid ah shuruucdii loo baahnaa ee dhanka caafimaadka ka hor inta aan la baasin koobka Adduunka. Luiz Felipe Scolari ayaa gaaray sheybaarka caafimaad oo 90 kilometre u jira magaalada Rio de Janeiro ee caasimada Brazil. Ciyaaryahanada ayaa laga baarayay xubin walba oo jirkooda ah,raga la baaray waxaa kamid […]
May 27 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Afar ciyaaryahan oo loo saadaliyay iney ku guuleysan karaan kabta dahabka koobka Adduunka
Afar xiddig ayaa loo saadaalinayaa iney ku guuleysan karaan kabta dahabka gool dhalinta koobka Adduunka ee Brazil iney ku guuleysan karaan. Lionel Messi ayaa ah musharaxa ugu horeeya ee laga baqayo koobka Adduunka inuu la soo baxo dar dar waxaana uu goolasha kubadsadsan karaa xulalka kula guruubka ah dalkiisa oo aan sidaas u sii buurneyn. […]
May 27 2014 | Posted in
England,
Spain,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Cesare Prandelli oo heshiis cusub u saxiixay Taliyaaniga
Cesare Prandelli ayaa heshiis cusub oo labo sano u saxiixay xulka Italy oo koobka Adduunka sanadkan uu u ka xeynayo Brazil. 56 jirkan ayaa lagu waday in koobka Adduunka kadib uu ka tago shaqada xulka labaad ee Adduunka ugu badan World Cup-ka. “waxaan dareemayaa inaan ku faraxsanahay,waan soo dhaweynayaa heshiiskan,aad ayaana ugu faraxsanahay in FA […]
May 26 2014 | Posted in
Italy,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Thomas Muller oo raba inuu rikoor u dhigo koobka Adduunka
Xiddiga Germany Thomas Muller ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto kabta dahabka koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Brazil. Ciyaaryahanka Bayern Munich ayaa dhaliyay shan gool waxaana uu caawiye ka ahaa seddex koobkii Adduunka ee sanadkii 2010. Sidaa daraadeed waxaa uu kamid noqday xiddigaha ugu goolasha badnaa sanadkaas koobka Adduunka isaga , David Villa, Wesley Sneijder […]
May 26 2014 | Posted in
Germany,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Phil Jones oo dib ugu soo laabtay tababarka Xulka England
Phil Jones ayaa diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto safka Xulka England ee u diyaar garoowaya koobka Adduunka isniinta maanta. Jones ayaa ka soo kabanaya dhaawac garabka ka soo gaaray loomana fileyn inuu dib ugu soo laaban karo garoomada iyadoo lagu tirinayay xiddigaha seegi kara koobka Adduunka. Daafaca Manchester United ayaa talaabo […]
May 26 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Sergio Aguero “Lionel Messi ayaa inoo qaadaya koobka Adduunka
Weerarka Manchester City Sergio Aguero ayaa sheegay inuu haatan si fiican u soo caafimaaday uuna diyaar u yahay in Lionel Messi uu kala qeybgalo koobka Adduunka. Aguero ayaa dhaawac u seegay kulamo badan xagaagan,laakiin waxaa uu dhaliyay 28 gool 34 safasha ah. Weeraryahanka Man City oo la hadlayay majalada Times of India ayaa qaba in […]
May 25 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Garanay 23-ka Xiddig ee England koobka Adduunka,Ogow Line Up-ka macquulka ah
Roy Hodgson ayaa ku dhawaaqay horaantii bishan Liiskiisa 23-ka ciyaaryahan ee ugu qeybgalaya koobka Adduunka balse waxaa la hadalhayaa safkiisa garoonka u galaya ee 11-ka cida ay noqon doonaan. Majalada Metro ayaa qabta in macalinka England uu goorsii horeysayba u qorsheystay 11-kiisa xiddig ee garoonka u galaya. Waa kuwan Magacyada 11-ka xiddig ee suuragalka […]
May 23 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Lionel Messi oo dumaasheediisa Shakira ku garabsiiyay heeska koobka Adduunka 2014,Sawiro+Video
Heesaga caanka ah ee Colombian Shakira ayaa siideysay heeska cusub ay ugu talagashay koobka Adduunka ee lagu qabanayo Brazil sanadka 2014. Waxaa loogu magacdaray heeskan ,La La La (Brazil 2014). Video-gan ayaa waxaa kula jira Shakira saaxibkeeda Gerard Pique iyo saaxibadiisa Cesc Fabregas, Lionel Messi Neymar iyo Eric Abidal oo aan sanadkan u […]
May 23 2014 | Posted in
Spain,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Warkii hore war soo dhaaf:Neymar oo u kulul in Messi uu tabartiisa ku tuso koobka Adduunka
Ciyaaryahanka wadanka Brazil Neymar ayaa ku riyoonaya in finalka koobka Adduunka ay isku arkaan isaga iyo Lionel Messi kadibna uu ku garaaco koobka. Wiilasha uu wato Luiz Felipe Scolari ee Brazil ayaa ku guuleysay xagaagii hore koobka Confederations Cup oo 3-0 ay ugu qaadeen Finalka Spain. Neymar ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Argentine […]
May 23 2014 | Posted in
Spain,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Luis Suarez oo la hadlay taageerayaasha dalkiiisa una sheegay goorta uu soo laaban doono
Luis Suarez ayaa niyada u qaboojiyay taageerayaasha dalkiisa Uruguay kadib markii dhaawac lama filaan uu ku soo baxay xiddigan. Suarez ayaa ku maray qaliin guuleystay oo Jilibka ah Cisbitaal ku yaala Montevideo maalintii Shalay. Dhaawacan ayuu ka soo gaaray gool dhaliyaha Liverpool xerada tababarka xulkiisa. Luis Suarez ayaa rajeynaya inuu ciyaari karo kulanka dalkiisa 19 […]
May 23 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Roy Hodgson oo ku dhawaaqay lambarada xiddigaha England ay xeranayaan
Tababaraha Xulka England Roy Hodgson ayaa magacaabay lambarada ay xeran doonaan 23-ka ciyaaryahan uu u wadanayo xagaagan Brazil. Wayne Rooney ayaa sida la filayay qaatay Lambarka 10,halka Weerarka Liverpool Daniel Sturridge uu qaatay No 9. Danny Welbeck ayaa qaatay No 11, sidoo kale Steven Gerrard oo ah kabtan xulka ayaa la siiyay No 4 Xiddiga […]
May 23 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Daawo Sawirada Neymar iyo Jaceelkiisa oo lagu soo dhaweeyay Brazil
Ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar ahna halyeyga dalkaas ee koobka Adduunka ayaa dib ugu noqday Brazil inkastoo isagoo u muuqan ciyaaryahan uu tagin halkaas hadana isagoo mucaashiq ayuu tagay. Neymar ayaa Brazil laga sugayay maadaama uu xili dhow furmayo koobka Adduunka balse ma Imaan kaligiis waxaa uu la yimis jaceelkiisa Bruna Marquezine oo ah […]
May 22 2014 | Posted in
England,
Spain,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Luis Suarez oo shaki laga gelinayo inuu ciyaaro koobka Adduunka
Weeraryahanka Liverpool Luis Suarez ayaa shaki laga gelinayaa koobka Adduunka ee Brazil ka dhacaya maadama lagu wado inuu maro qaliin dhanka Jilibka. Suarez ayaa la sheegay in dhaawacan uu ka soo gaaray gudaha xerada tababarka xulkiisa. 27 jirkan ayaa u dhaliyay 31 gool xagaagii hore kooxda Liverpool,waxaana haatan uu ka soo gaaray dhaawac lama […]
May 22 2014 | Posted in
England,Wararka,
World Cup-ka | Read More »
Next Page »