344 views

Bax ama joog ,ucadee kooxda warkaga inta goori goortahay, Van Nistelrooy ayaa sida ku yiri Rooney

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Ruud van Nistelrooy ayaa ka codsaday Wayne Rooney in uu cadeeyo mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford

Ruud van Nistelrooy oo 2006-dii ka tagay United ayaa ugu baaqay Rooney inuusan qiyaamin kooxda uuna goor hore cadeyo mustaqbalkiisa si hadii uu baxayo ay kooxdu uraadiso badalkiisa

“Bax ama joog ucadee kooxda waxa aad damacsan tahay si ay kuugu xisabtamaan ama kaaga tashadaan ayuu Ruud usheegay The People .

Rooney ayaa labo jeer oo hore tababare Alex Ferguson ka codsaday in uu iibiyo ,lamina oga waxa uu damacsan yahay ilaa hada.

United ayaa la aaminsan yahay in ay dooneyso in ay soo ceshato Ronaldo hadii uu baxayo Rooney.

 

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨