Barcelona oo Man United usoo bandhigtay Thiago iyo Villa iyo lacag laakiin…
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Barcelona ayaa ku fakareysa in ay Man United ku wareejiso xidigaha Thiago Alcantara, iyo David Villa iyo xoogaa lacag ah si ay uga qaataan Wayne Rooney sidaa waxaa sheegtay Daily Mail.
Cimaaliqada Catlan ayaa dooneysa in ay Rooney ku darto weerarkeeda xagagan kadib saxiixii Neymar.
Thiago ayaa lagu qiimeeyaa £17million halka Villa uu suuqa ka joogo £8.5m waxaana ay Barcelona ay ku dari doontaa £4m si ay uhelaan Rooney oo lagu qiimeeyo £30m.
United ayaa mudooyinka xiiseyn weyn uqabtay 22 jirka Barcelona Thiago Alcantara lamana oga waxaa ay ka yeeli doonto qorshahan cusub ee Barca.
Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaya Rooney kaas oo la aaminsan yahay in ay wada hadleen macalinkiisa cusub David Moyes .
Rooney ayaa ra’iisul wasaare David Cameroon iyo boqarada Queen Elizabeth ku wehliyay daawashada final-ka Wimbledon ee uu qaaday Andy Murray.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by