Barcelona oo dooneysa xidiga sanadka ee dhalin yarada Manchester United
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Kooxda Barcelona ee wadanka Spain ayaa udhaqaaqday saxiixa xidiga yar ee kooxda Manchester United Adnan Januzaj sidaa waxaa sheegtay jariirada The Sun.
Tababaraha cusub ee United ayaa la kowsanaya dalabyo hareeyay kooxda,xili Rooney ay lix koox dalabyo usoo direen.
18 jirkaan oo khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara hadii loobaahdana toos uciyaari kara wererarka ayey Barcelona dooneysa in ay ku darto kooxdeeda waa weyn xagagan.
Adnan Januzaj oo xagagan loo magacabay laacibka sanadka ee dhalin yarada United ayaa lagu wadaa in loo soo dalacsiiyo kooxda waa weyn ,kadib markii uu kooxda ka caawiyay in ay ku guuleystan Premier League 21 jirada .
Ninkaan u dhashay Kosovo oo ku jira xidigaha soo koraya ee wadanka Belgium ayaa usoo dhaqaaqay United 2011 –kii isagoo ka yimid Anderlecht.
Barcelona ayaa dooneysay xidigaan labo sano ka hor ,laakiin waa ku hungoowday waxaana ay markale isku dayeysa in ay iibsato.
United ayaan wali ka jaawaabin damaca Barcelona ee ku aadan Adnan Januzaj,waxaana ka jaawbi doona tababaraha cusub marka uu shaqada toos usoo galo.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by