249 views

Barcelona oo dooneysa in ay bad baadiso nolasha xidigaha Spanishka ah ee uciyaara Chelsea

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"


Jariirada Sport ee ka soo baxdda wadanka Spain ayaa ogaatay in kooxda Barcelona ay dooneyso in ay bad baadiso mustaqbalka xidigaha Spanishka ah ee uciyaara kooxda Chelsea.

Xidigaha reer Spain ee jooga Chelsea ayaa umuuqda kuwo aan looga baahneyn galbeedka magaalada London kadib markii uu halkaas ku laabtay Jose Mourinho .

Barcelona ayaa waqti badan ku raad joogtay Juan Mata, waxaana ay hada wada hadal la furi doonaan bisha Janaayo .

Sidoo kale Bulgarana ayaa heysta fursad ay kula saxiixan karaan xidig ay raadinayeen 6 sano ka hor kaas oo ah Fernando Torres oo loo arko nin ku wacan nolasha wadanka Spain waxaana ay uqaadan doonaan badalka David Villa .

Barca ayaa sidoo kale dooneysa in ay la saxiixato Cesar Azpilicueta kaas oo ay doonayaan in uu badal unoqdo Martin Montoya kaas oo diiday in uu heshiis cusub usaxiixo kooxda .

Lama oga sida ay Chelsea u aqbali doonto in ay sadex xidig halmar ku wareejiso kooxda Barcelona .

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨