Stories written by Siidi

Japan iyo Ivory Coast oo daaqada ka baxay, Colombia iyo Greece oo usoo baxay 16-ka SAWIRO+

Greece.jpg1

Ivory Coast ayaa daqiiqadihii ugu daqiiqadihii ugu danbeeyey daaqada ka baxday markii ciyaaryahan Sio uu jalaafay Samaras oo xerada ganaaxa ku dhex jiray iyadoo la maraayey waqtigii ugu danbeeyey ee ciyaarta. Ivory Coast uma qalmin ineey ka harto koobka Aduunka waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo waxay u qalantay guul laakin waxaa taasi kaga ciyaaray […]

Manchester United oo qarka usaaran saxiixeeda ugu horeeyey xagaagan SAWIRO+

Herrara.jpg1

Kooxda Manchester United ayaa qarka usaaran ineey lasoo saxiixato laacibkeeda ugu horeeyo ee xagaagan iyadoo diirada saaraysa ineey soo xero galiso ciyaaryahano muhiim u ah dhexda iyo difaaca. Tababaraha cusub ee kooxdaasi Louis van Gaal oo haatan ku mashquulsan koobka Aduunka ayaa aad u xiiseynaya laacibka qadka dhexe ee kooxda Atletico Bilbao Ander Herrera kaasoo […]

Italy iyo England oo ku laaban doona guryahooda, Uruguay iyo Costa Rica oo isa soo taagay 16-ka SAWIRO+

Uruag.jpg00

Waxaa daaqada ka baxay xulalkii loo saadaalinayey ineey kasoo bixi doonana qeybta guruubyada, waxaana ra’yigaasi qabay inta badan bulshada ciyaaraha ka faaloota waxaana haatan si lama filaan ah tartanka ugu haray xulalkii ugu tunka weynaa qaarada Yurub, sida Spain, England iyo Italy oo galabta qalabkooda ka guranaya hoteelada ay deganaayeen. Xulka Uruguay ayaa 1 – […]

Chili oo soo baxday Spain oo ka hartay koobka Aduunka 2014-ka

Spian

Xulka Chili iyo Spain oo kuwada jira guruubka B-da ayaa fooda is daray abaaro 10:00 habeenimo xiliga Muqdisho, waxaan labada dhinac ay isku qaadeen weeraro kala duwan waxaase usuuragashay xulka Chili ineey helaan goolkooda koowaad uu saxiixay Eduardo Vargas. Xulka difaacanaya koobka Aduunka ayaad moodaa ineey aad u daalan yihiin maadaama aysan ka muuqan diyaargaroow […]

Netherland oo usoo baxday qeybta 16-aad ee koobka Aduunka iyo Australia oo noqotay xulkii ugu horeeyey ee tarabuunka la saaray

Robbin

Xulka Netherland ayaa noqotay xulkii ugu horeeyey kasoo baxa qeybta guruubkooda ee B-da iyadoo maanta 3 – 2 ku qaarjisay xulka Austaralia oo lafteeda noqotay xulki ugu horeeyey ee dhawaan ka dhaqaajin doonta dalka Brazil. Biloowgii ciyaarta ayaa Arjen Robbin oo kubad ka dafay dhexda kuna cararay baalka bidix ee garoonka ayaa goolhayaha Austaralia daba […]

Brazil iyo Mexico oo isku ag dhacay SAWIRO+

Nej1

Waxaa dib u biloowday kulamadii labaad ee guruubyada koobka Aduunka, Xulka qaarada Laatiin Ameerika ee wadankooda marti galinaya Brazil iyo xulka qaarada Ameerika Mexico ayaa fooda is daray abaaro 10:00 habeenimo saacada Somalia. Xulalka Mexico iyo Brazil oo 13 kulan ku kulmay koobka Aduunka ayaa 7 ka mid ah waxaa badiyey Mexico halka afar jeer […]

Belgium 2 – 1 Algeria: Algeria oo 28-sanno ka dib gool ka dhalisay koobka Aduunka SAWIRO+

BEL0

Dries Mertens iyo Marouane Fellaini oo u ciyaaraya xulka Belgium-ka ayaa guul soo daahday u horseeday xulkooda inkastoo wiilka reer Red Devil Fellaini uusan wax gool ah udhalin Man United ayaa xagaagan goolal usaxiixay kooxdii laga soo iibsaday ee Everton iyo xulkiisa Belgium laakin Man Utd maya. Xulka carbeed ee Algeria ayaa umuuqatay mid badin kartay balse daqiiqadihii […]

Thomas Muller oo sedexleey ka dhaliyey xulka Ronaldo horkacayo SAWIRO+

Muller

Xulka Germany ayaa xoog ku maquuniyey xulka aan ka liidan ee uu horkacayo laacibka dunida ugu fiican ee Cristiano Ronaldo, kulankii koowaad ee guruubka G-da iyadoo lagu ciyaarayey garoonka Arena Fonte Nova. Xulka Portugal ayaa daqiiqadihii ugu horeeyey lasoo baxday dar dar balse waxaa ka danbeyey ineey dhaqso rigoore galaan kaasoo gool u badalay ciyaaryahan […]

Lionel Messi oo go’aamiyey guusha Argentina SAWIRO+

Messi oo goolkiisa ugu horeyey dhaliyey koobka Aduunka tan iyo 623 daqiiqo ka dib.

Xulka Argentina ayaa guul ku biloowday kulankoodii ugu horeeyey ee koobka aduunka oo ku ciyaarayey garoonka Estadio do Maracana (Jornalista Mario Filho). Qeybtii hore ee ciyaarta gool ay iska dhaliyeen xulka Bosnia ayay hogaanka kula wareegeen xulka Argentina, waxaana uu ahaa goolkaasi mid uu laad xor soo laaday Messi kaasoo si aan ula kac ahayn […]

Karim Benzema oo ku farayareeystay xulka Honduras DAAWO SAWIRADA+

Benzema

Xulka Faransiiska ayaa 10 qofood oo Honduras ay ku qaarijeyey 3 – 0, iyadoo guusha kooxdaasi uu qeyb libaax leh ka qaatay Karim Benzema oo lambarka 10-aad usita xulkiisa Faransiiska. Guud ahaan ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyey xulka Faransiiska taasoo aad ka dheehan kartay sida ay wel wel la’aanta ay ku qaarijisay hulkaan yar […]

Switzerland oo aaqir daqiiqad ka badisay Ecuador SAWIRO+

Swit

Xulka reer Yurub ee Switzerland ayaa sekenkii ugu danbeeyey ciyaarta waxay guuldaro xun dhabarka usaarisay xulka ka socda Qaarada Ameerika ee Ecuador. Ecuador ayaa gool ku biloowday biloowgii ciyaarta daqiiqadii 10-aad waxaana goolka usaxiixay ciyaaryahanka Enner Valencia sidaasi ayayna ku hogaaminayeen qeybtii hore oo dhan. Markii la isugu soo laabtay ayay xulka Switzerland isku dayeen ineey […]

Italy 2 England 1, Balotelli oo guul ku hogaamiyey Xulka Azzurri SAWIRO+

Italy

Waxay ahayd abaarihii saqdii dhexe ee caawa markii ay fooda is dareen xulalka England iyo Italy oo ah qaramada ugu adag koobka Aduunka iyagoo ku ciyaarayey garoonka Arena Amazonia ee ku yaala magaalada Manaus ee cariga Brazil oo si habsami leh ugu soconayo koobka Aduunka. Labada xulba waxay kusoo galeen qaab ciyaareed la is gaadayo […]

Biloow Argagax leh: Costa Rica oo ka yaabsatay Uruguay iyo Suarez oo gacmaha madaxa saartay SAWIRO+

Rica

Fariin kusocota England iyo Italy ayay Costa Rica usii marsiisay goolal 3 ah oo ay ka dhalisay Uruguay oo ay uc iyaaraan laacibiin dunida si fiican looga yaqaano halka xulkan yar ee Costa Rica uu ka dhex muuqday wiilka da’da yar ee Arsenal amaahda ugu maqnaa ee Joel Campell. Hadii Uruguay ay hogaanka la wareegtay […]

Guruub C-da: Colombia oo ka tilaabsatay Greece DAAWO VIDEO

Colom

Guruubka C-da: Xulka Colombia ayaa si sharaf ku jirto ugu badisay xulka Greece kulan ka dhacay dalka Brazil garoonka Estadio Mineirao. Xulka Colombia oo aan lagu tashanayn ayaa meel wanaagsan iska saartay xulka qaarada Yurub ka socda ee Greece kaasoo aan fileyn in sidaasi loo gali karo. Si kastaba ha ahaatee biloowgii ciyaarta markay 5 […]

Guruubka B-da: Chile oo qaarijisay Australia SAW+IRO

Chi

Ciyaar boobsiis ah oo ay fooda is dareen xulalka kuwada jira guruubka B-da ee Chile iyo Australia ayaa kusoo idlaatay 3-1 ay guushu ku raacday kooxda qaarada Laatiin Ameerika ka socota ee Chile. Chile ayaa umuuqatay mid si sahal ah ku badin kartay laakin waxaa ku adkeeyey ciyaaryahanka Everton iyo xulka Australia Cahill. Chile ayaa […]

¨