Arsenal vs Bayer Munich- line up-ka ,dhaawacyada,ganaaxa iyo wixii cusub
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Kooxda Arsenal ee ka dhisan waqooyiga magaalada London ayaa la ciyaari doonta kooxda Bayer Munich kulan la wada sugaayo oo ka tirsan wareega 16-ka ee Champions League .
Ogeysiiska ciyaartan
Tartanka: Champions League
Kooxaha : Arsenal vs Bayer Munich
Garoonka: Emirates Stadium — London
Garsooraha ciyaarta: Svein Oddvar Moen (Norwegian)
Saacada geeska Afrika : 10:45 oo habeenimo
Arsenal
Kooxda The Gunners oo niyad jab ka soo qaaday guul daradii ka soo gaartay Blackburn Rovers ayaa dooneysa in ay ceebta iska meerto kulankaan.
Kooxda The Gunners ayaa dhibaato ka dareemeysa daafaca bidix madaama uusan ciyaari karin Nacho Monreal ,halka uu dhawacan yahay Kieran Gibbs tiiyoo ay jirto in amah loo diray Andre Santos ,waxaana laga yaabaa in uu booskaas ciyaaro Thomas Vermaelen.
Mikel Arteta ayaan wali aheyn ciyaariyahan 100% caafimaad qaba ,halka tababare Wenger uu sheegay in uu ciyaartaan ku soo wada bilaabi doono Theo Walcott, Lukas Podolski iyo Santi Cazorla .
Bayer Munich
Daafaca wadanka Spain Javi Martinez oo dhawac ka qabay cagta hoose ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee ay la qaateen Wolfsburg,laakin waxaa la filaya in uu dib ugu soo laabto kooxdiisas Bayer Munich.
Claudio Pizarro iyo Holger Badstuber ayaa lagu wada in ay dhaawacyo uga maqnaadaan kooxda Bayer halka Jerome Boateng uu ganaaxan yahay .
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo kulankaan
ARSENAL
Szczesny
Sagna, Koscielny, Mertesacker, Vermaelen
Arteta, Ramsey
Wilshere
Walcott, Podolski, Cazorla
BAYERN MUNICH
Neuer
Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba
Martinez, Schweinsteiger
Muller, Kroos, Ribery
Mandzukic
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by