HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


65 views

Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa goolhaye John Ruddy

Waxaa Qoray:

 

john-ruddy-england

Arsenal ayaa eegeysa in a £6milyan ay kula soo wareegto goolhayaha kooxda Norwich City John Ruddy.

Daily Mail ayaa qortay in Arsene Wenger uu doonayo 27 jirkan inuu la tartamo goolhayahiisa koowaad ee Wojciech Szczesny.

Goolhaye Ruddy ayaa kamid ah goolhayayaasha ugu bad baadinta badan goolasha ciyaaraha England uguna fiican.

Gunners waxaa kale oo ay isha ku heysaa saxiixa goolhayaha kooxda Reading Alex McCarthy.

Arsenal ayaa ku dhameysatay xili ciyaareedkii 2013/2014 kaalinta afaraad waxaana ay doonayaan xiliga soo aadan koobka Premier league.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

¨