184 views

Arsenal oo dooneysa inay hesho daafaca Juventus ee Martin Caceres

Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Kooxda Arsenal oo ay haysato dhibaato dhanka daafaca ah ayaa markan dooneysa inay soo hesho daafaca kooxda Juventus ee Martin Caceres si ay xal ugu hesho dhibaatada ka haysata qeybta dambe ee daafaca.

25-jirkaan u dhashay dalka Ururguay ayaa sanadkii labaad haatan la jooga kooxda ku ciyaarta Magaalada Torino, isagoo amaan loogu soo qaatay, isagoo wali aan boosjoogto ah ka helin kooxda Juve.

Talk Sport ayaa ku warameysa Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger uu doonayo inuu kooxda Gunners dib u habayn ku sameeyo, kana dhiso qeybaha dambe ee daafaca iyo qadka dhexe.

Dib u dhiska kooxda Arsenal ayaa la sheegay in markan kooxda la galinayo Adduun dhan 70 M, si loogu  dib u habeyn loogu sameeyo looguna soo iibiyo ilaa 4 ciyaaryahan oo buuxiya boosaska ay ka liidato kooxdu.

Caceres oo aan heysan boos joogto ah ayaa waxa uu bada u yahay daafaca reer Talyaani ee Giorgio Chiellini, waxaana garoonka lagu soo bilaabay Caceres 10 kulan oo kaliya kulamada Seria A-da.

Daanista Arsenal ee Martin Caceres ayaa waxaa daba socda hadal uu ciyaaryahanku horay u sheegay oo ahaa inuusan dooneyn kooxda kale islamarkaana uu ku qanacsan yahay inuu la sii joogo kooxda Juve ee ku ciyaarta Magaalada Torino.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

BOGGA ARRIMAHA SIYAASADA RIIX HALKAN

BOGGA HORE EE CIYAARAHA

¨