SUUQA KALA IIBSIGA: Tottenham oo guuldaraysatay inaay soo xero galiso Leandro Damiao

Leandro

Iyadoo dhawaan uun ay ahayd markii la shaaciyey inuu laacibka reer Brazil Leandro Damiao uu heshiis la gaaray kooxda Tottenham ayaa waxaa beecii si kadis ah uga baxay kooxda uu ka tirsan yahay Internacional. Tottenham oo heshiis gaar ah la gaartay laacibkaan ayaa kooxdiisa oo la filayey inaay qaadan doonto £18million oo ay Tottenham rajaynaysay inaay […]

SUUQA KALA IIBSIGA: William oo ku biiray kooxda reer Russia ee Anzhi

William

Laacibka soo jiitay inta badan milkiilayaasha kooxaha una ciyaara kooxda Shaktar Donetsk Willian ayaa ugu danbeyntii ku biiray kooxda reer Russia Anzhi Makhachkala. Sida uu xaqiijiyey macallinka kooxda Shaktar Donetsk Tababare Mircea Lucescu waxaa uu qiray in Willian uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Anzhi. Ciyaaryahankan reer Brazil oo ay indhaha ku hayeen kooxaha […]

SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal oo si buuxda ula soo wareegtay Nacho Monreal

Nacho Monreal

Waxaa caawa qadar saacado ka dhiman xirmi doona suuqa kala iibsiga qaarada Yurub iyadoo kooxda Arsenal ay ugu danbeyntii lasoo wareegtay laacibka reer Malaga Nacho Monreal. Ciyaaryahankan oo ka ciyaara dadabka bidix ee daafaca ayaa si buuxda ula soo wareegtay kooxda Arsenal ka dib markii ay miiska saartay £8.5million. Arsene Wenger ayaa quuray aduunkaasi lacageeda isagoo […]

SUUQA KALA IIBSIGA: Kooxaha Ingiriiska iyo maanta waxa ay iibsadeen

Samba

Iyadoo maanta ama caawa ku eg tahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa waxaa hadana kooxaha ay isku dayayaan inaay soo xero galiyaan ciyaartooy muhiim u ah kooxahooda waxaana maanta kusoo qaaday doonaa halkaan kooxaha Ingiriiska guud ahaan iyo ciyaartooyda ay soo xero gashadeen Fiiro Gaar ah: Waxaan baraakad galinay kooxaha magacyadooda, kooxda hore waxay tahay kooxda […]

SUUQA KALA IIBSIGA: Napoli oo si amaah ah ula soo wareegtay ciyaaryahan Rolando

Rolando

Kooxda kaalinta labaad kaga jirtay horyaalka Serie A-da Talyaaniga ee Napoli ayaa lasoo saxiixatay difaaca dhexe ee kooxda Porto Rolando kaasoo sii joogi doona garoonka Sanbaulo ilaa dhamaad xilli ciyaareedkaan. 27-jirkaan ka ciyaara difaaca dhexe ayaa laga soo amaahsaday kooxda Porto oo ah Championka dalka Portugal. Rolando ayaa tijaabada caafimaad u maray kooxda Napoli saaka […]

SUUQA KALA IIBSIGA: Tottenham oo si rasmi ah ula soo wareegtay ciyaaryahanka Xulka Qaranka Brazil Leandro Damiao

IHN SPT 070812-23

SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA: Kooxda Tottenham ayaa heshiis gaar ah lagaartay weeraryahanka reer Brazil Leandro Damiao. Kooxdan oo ay fara ba’an ku hayso weerar yari tii ay jirtana uu ka maqan yahay ciyaaryahan Adebayor oo xulkiisa u matalaya ciyaaraha qaramada Afrika ayaa waxay lacag tiro badan kusoo iibsadeen ciyaaryahankan weerarka ugu ciyaara xulka Brazil. 23 […]

SUUQA KALA IIBSIGA: David Beckham oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris Saint German..DAAWO SAWIRADA:

Former England captain David Beckham (C)

DAAWO SAWIRADA: David Beckham ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda reer Faransa ee Paris Saint German isagoo todobaadkii qaadan doona  £150,000 oo bound kaasoo ku kacaya inta ka dhiman horyaalka hada socda. Ciyaaryahankan hore ugu soo ciyaaray Manchester United, Real Madrid, AC Milan iyo LA Galaxy ayaa haatan waxaa uu u dhaqaaqay horyaalka Liga 1, isagoo […]

Ashley Cole oo isha kuhaya kulankiisii 100 aad ee xulka Ingriiska

cole okok

Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa asbuuca dambe ku biiri doona ciyaartooyda 100 kulan usafatay xulka wadanka Ingriiska . Cole ayaa sugaya in uu ka mid noqdo xulka Ingriiska ee 6-da bisha soo aadan la ciyaari doona Brazil ,waxaana tababare Roy Hodgson lagu wadaa in manta oo khamiis ah uu ku dhawaqo 25-kiisa ciyaariyahan. Cole […]

Nemanja Vidic” Wali waxaa jirta wado dheer oo naga horeysa “

vidic_1744120c

Kabtanka kooxda Manchester United Nemanja Vidic ayaa sheegay in kooxdiisa ay wali udhiman tahay howl badan xaga ku guuleysiga horyaalka Premier League. Kadib markii ay xalay United ay farqiga dhibcaha horyaalka ka dhigtay 7 dhibcood ayuu Vidic sheegay in ay wali jiraan wax badan oo kooxdiisa udhiman aana la oran Karin wax walba waa dhamaad. […]

Arsenal oo waraq udirtay xidigeedii hore Dennis Bergkamp

bergam

Xidigii hore ee xulka Holland Dennis Bergkamp ayaa dib ugu soo laaban doona kooxda Arsenal isagoo shaqada kabdali doona Liam Brady. The Gunners ayaa shaacisay in Liam Brady oo ah madaxa hor marinta dhalin yarada ee kooxda Arsenal uu shaqada kooxda ka tagi doono bisha May 2014. Sida ay qortay jariirada Daily Mail kooxda Arsenal […]

SUUQA KALA IIBSIGA: Intermilano oo lasoo wareegtay sedex ciyaaryahan oo muhiim ah

kuzmanovic

Iyadoo uu gaba gabo marayo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayna ka harsan tahay oo kaliya 24 saac ayaa waxaa kooxaha doonaya soo iibsashada ciyaartooyda waxay isku dayayaan inaay keensadaan hamigooda iyo doonistooda. Hadaba kooxda Inter ayaa soo xero galisay ciyaaryahanka da’d yar ee dalka Croatia Mateo Kovacic ciyaaryahankan oo da’diisu lagu sheegay 18 – sanno jir ayaa […]

El-Clasicio: Varane oo Real Madrid guuldaro garoonkeeda ah ka badbaadiyey

Real and Barca

Ciyaaryahanka da’da yar ee kooxda Real Madrid difaaca ugu ciyaara Varane ayaa waxba kama jiraan ka dhigay gool uu ka dhaliyey Febragas kulan ka tirsan Copa Del Rey lugtiisa koowaad oo ay isku dhaceen Real Madrid iyo Barcelona. Inkastoo difaacyadii adkaa ee kooxda Real Madrid ay sababo badan ugu kala maqnaayeen kooxdooda ayaa hadana waxay […]

Manchester United oo hogaanka sii dheeraysatay, Halka Chelsea lagu dhagay

Man uni

Kooxda hogaanka hu haysa horyaalka Ingiriiska ayaa caawa dhibcaheeda sii siyaadsatay markii ay laba gool iyo hal ku quusisay kooxda Southampton. Manchester United oo goolka looga hormaray ayaa waxaa ka dhaliyey J. Rodriguez daqiiqadii 3-aad, hase yeeshee Rooney ayaa shan daqiiqo ka dib wuxuu dhaliyey goolkii barbaraha. Inta aysan dhamaan ciyaarta ayaa laad uu soo ganay […]

Arsenal iyo Liverpool oo is mari waayey

Arsenal iyo Liverpol

Kooxda Liverpool oo caawa u ahayd habeen aad u wanaagsan ayaa laba gool kaga naxsatay kooxda Arsenal oo garoonkeeda Emerates lagu ciyaarayey. Goolka hore ayaa waxaa kooxda Liverpool usaxiixay ciyaaryahan Suarez kaasoo kubad ay iska qaldeen ama lugta la waayeen difaacyada Arsenal uu isaga ka faa’ideeystay. Halkaasi iyo eber ayaa lagu kala nastay markii la […]

Isku Aadka wareega 8-da ee koobka qaramada Afrika

africa ok

Xili uu caawa dhamaday wareegii Group-yada ee koobka qaramada Afrika ayaa waxaa la sadalinaya in ay noqdaan kuwo xiiso leh ciyaaraha wareega 8-da . Koobka ayaa sadex maalin gali doona nasiino waxaana dib loo ciyaari doonaa 2-da bisha soo aadan ee Febraayo Hadaba waa kuwaan sida ay wadamadu isugu aadeen Ghana v Cape verde South […]

¨