2,771 views

20 Xidig Ee Ugu Bandhiga Fiicnaa Yurub Xilli Ciyaareedkan, Laacibka aad taageerto Ma kujiraa?

Waxaa Qoray:


Horyaalada qaarada Yurub ayaa si xamaasadeysan u soconaya iyadoo ciyaartoyda ka dheesha uu mid waliba sameeyay bandhig u gaar ah xumaan iyo samaanba.

Hadaba waxaan Fiirineynaa 20 ciyaartoy ee bandhigii ugu fiicnaa Sameeyay tan iyo sida uu xilli ciyaareedkan u bilawday.

Ciyaartoyda intooda badan waxa ay ka imaanayaan 5ta horyaal ee ugu sareeya Qaarada Yurub sida Premier League, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.

20. Oscar – Chelsea

185349004

Oscar ayaa ah mid kamid ah sababaha Juan Mata uu ula kulmayo xaalad adag oo kursiga keydka ah, sidoo kalena waa uu kaalin muuqata ka ciyaaray in Blues ay labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda Arsenal Premier League.

Oscar ayaa dhaliyay 5gool dhamaan tartamada isagoo ciyaaraya booska ka danbeeyay weeraryahanka ee 10.

19. Arjen Robben – Bayern Munich

Par7686510.512

Wali waxa uu ka mid yahay lugaha ay ku socoto Bayern Munich, waxana uu muujiyay geesinimadiisa markii uu dhaliyay goolkii 3aad ee Bayern ay uga adkaatay Manchester Champions League isagoo ku dhaliyay lugtiisa midig.

Arjen Robbenayaa dhaliyay 3gool 9 ciyaarood oo lagu soo bilaabay horyaalka isagoo wax kabadan labo dhaliyay 3 ciyaarood ooalgu soo bilaabay Champions League waxa uu sidoo kale goolal dhaliyay 3 ciyaarood oo xulkiisa Holland uu saftay Isreeb Reebka Koobka Aduunka.

18. Edinson Cavani – PSG

ARP3697508.512

Dhaliyaha sida layaabka aheyd ugu biiray Paris St Germain Cavani kaasi oo lagu iibsaday aduun lacageed gaaraya 55milyan oo gani ayaa bandhig fiican sameeyay, isagoo dhaliyay 8gool 9 ciyaarood oo uu ku soo bilaweday hhoryaalka.

Isaga oo loo geeyay Zlatan Ibrahimovic ayaa waxa ay muujiyeen in ay yihiin weeraryahanada ugu xooga badan Kubada Cagta Caalamka.

17. Yaya Toure – Manchester City

181747566

Waxa uu ahaa awoodka dhaqaajineysay qadka dhexe ee Manchester City, laakiin waxa uu ku darsaday xilli ciyaareedkan goolal ay soo saareyso warshadiisu.

Yaya Toure waxa uu dhaliyay 4 gool Premier League isagoo wadarta guud dhaliyay 6gool oo uu ku jiro goolkii 30 yardi uu ka soo toogtay shabaqa ee uu ka dhaliyay kooxda Plzen Champions League.

16. Sidney Sam – Bayer Leverkusen

153030778

Layaabka ugu weyn horyaalka Germany waa sida ay Bayer Leverkusen u ceshaneyso booska labaad ee Bundesliga.

Sidney Sam ayaana mas’uul ka ah qaabka wanaagsan ee kooxda sanadkan, isagoo dhaliyay goolkii barbaraha ciyaartoydii ugu weyneyd sanadkan ee ay ka hortageen Bayern Munch.

Sam ayaa dhaliyay 11gool isagoo caawiye ka ahaa Lix kale xilli ciyaaredkan, waxana taasi koxda Leverkusen ay ku dhaweysan hogaanka Bundesliga.

15. Francesco Totti – Roma

ARP3653930.512

3gool iyo lix caawin ah oo uu sameeyay 37 jirkan ayaa Roma ku heysay Meesha ugu sareysa horyaalka Serie A. iyadoo jabiyay dhamaan recoradii guulaha kaddib 9 kulan oo xiriir ah oo ay guulo gaareen.

Ciyaartiisii ugu fiicneyd waxa ay aheyd midii uu ka hortagy Inter Milan markaasi oo ay ku qaarajiyeen 3-0.

14. Dejan Lovren – Southampton

185349059

Layaabka xilli ciyaareedkan Premier League wiilka sameeyay waa Dejan Lovren.

Waxa uu dhaliyay 3gool 9kulan oo uu ka ciyaaray tartanka labaad ee ugu weyn Yurub, laakiin waxa uu dhaliyay goolal muhiim u ahaa kooxdiisa.

Lovren ayaa dhaliyay goolkii ay guusha kaga heleen kooxda Liverpool isagoo sidoo kale dhaliyay goolkii barbarha ee ciyaartii Manchester United.

13. Giuseppe Rossi – Fiorentina

Par7669968.512

Waxaa dhibaateeyay dhawacyo xilli ciyaareedkan laakiin laacibkii hore ee Manchester United ayaa ku soo laabtay kooxda Fiorentina isagoo goolal fiican oo muhiim ah.

Rossi ayaa ah gool-dhaliyaha ugu sareeya Serie A, isagoo ku dhaliyay 8 kulan oo uu ciyaaray waxana ku jira Sadaxleey uu dhaliyay ciyaartii Juventus ay uga adkaadeen 4-2.

12. Mesut Ozil – Arsenal

185435867

Arsenal ayaa fadhisa booska ugu sareeya Premier League iyadoo sababaha ay booskaasi ku gaartay uu kamid yahay kubad sameeyaha reer Germanay Mesut Ozil.

Waxaa lagu soo gaday 42 milyan oo gani maalintii u danbeysay Suuqa, waxana uu Arsenal tusiyay xirfad meel sare ay ku gaarto isagoo kaashanaya Aaron Ramsey iyo Jack Wilshere.

3gool iyo 4 caawin ah ayuu sameeyay laacibka reer Germany tan iyo markii uu ku soo biiray Arsenal.

11. Alexis Sanchez – Barcelona

DV1566862.512

Weeraryahanka reer Chile ayaa ku biiray Barcelon 2011, laakiin waxa uu nolol cusub helay markii kooxda uu qabtay Tababaraha cusub Tata Martino.

Waxa uu ku soo bilawday 5ciyaarood waxana uu dhaliyay 4gool isagoo caawiye ka noqday labo gool.

Sanchez ayaa dhaliyay gool layaab leh kulankii El Clasico Barcelona ay ka guuleysatay Real Madrid xilli ciyaareedkan.

10. Franck Ribery – Bayern Munich

185655279

Bayern Munich ayaa ku faaneysa in ay tahay mid kamid ah kooxihii ugu fiicana taariikhda, iyadoo Franck Ribery loo tiriyo dadka sababta u ah in halkaasi ay kooxdan gaarto.

Waxa uu goor hore dhaliyay 8gool tartanka Yurub waxana ku jira gool uu isagu xamaali ka ahaa oo uu ka dhaliyay Chelsea Super Cup-kii.

Ribery ayaa hada si layaab leh ugu tartamaya Abaalmarinta Aduunka ee Ballon D’or.

9. Daniel Sturridge – Liverpool

DV1564765.512

Weeraryahanka reer England ayaa dhaliyay 9gool dhamaan tartamada isagoo ku saftay 10 kulan, waxana sidoo kale uu safiican u fahmay Luis Suarez.

Brendan Rogers ayaa siiyay fursadii uu u baahnaa xidigan kaddib markii ay Chelsea iska soo fasaxday.

8. Cesc Fabregas – Barcelona

DV1566897.512

Cesc Fabregas ayaa ugu danbeyn boos laga siiyay kooxda Barcelona waxana uu noqday ciiyaartoyga ugu caawinta badna La Liga xilli ciyaareedkan.

Isagoo fiirinaya cimriga Xavi iyo Iniesta ayaa xidigan waxa uu si fiican u soo bandhigay ciyaaro fiican isagoo labo gool dhaliyay kulankii todobaadkan.

7. Gervinho – Roma

DV1559360.512

Muxuu yahay sanad uu isbadal sameeay xidigii hore ee Arsenal. Waxa ay u muuqataa in ay ka badalantay markii uu u ciyaarayay Gunners, maxaayeelay waxa uu u egyahay mid kalsooni badan ay ku jirto.

Wiilka tababare Rudi Garcia ayaa dhaliyay 3gool 8 ciyaarood oo uu ku soo bilawday Romad horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan.

6. Lionel Messi – Barcelona

DV1564644.512

Dhaawacyo hareeyay xilli ciyaareedkan ayaa dhigay boos uusan u qalmin. 12 ayuu ku dhaliyay 8 ciyaarood oo uu ku soo bilawday isagoo wali u muuqda in uu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan Yurub.

Goolasha uu dhaliyay waxaa ku jiray labo Sadaxleey oo mid kamid ah banaanka ama guriga Valencia uu ku dhaliyay.

5. Koke – Atletico Madrid

ARP3656961.512

Waxaa jira hal koox Madrid waqti xaadirkan waana Atletico. Laacibka reer Spain ee qadka dhexe ayaa qeyb weyn ka ah kooxda Tabare Diego Simeone kuwaasi oo u ordaya sareynta horyaalka La Liga.

4. Cristiano Ronaldo – Real Madrid

DV1564942.512

Imaatinka Gareth Bale ayaa dadka qaar waxa ay u maleynayeen in ay saameyn doonto xidiga reer Portugal, laakiin sidaa waa ka fogtahay, waxa uu dhaliyay 15gool oo la yaab leh xilli ciyaareedkan waxaana ku jira Sadaxleeydii uu ka dhaliyay Galatasara.

Waxana uu Ronaldo muujiyay in uu wali yahay Boqorka kooxda Madrid.

3. Aaron Ramsey – Arsenal

186224482

Waxa uu sameeyay bandhig wanaagsan isagoo baasas badan bixiyay islamarkaana dhaliyay 9gool 14 ciyaarood oo uu saftay.

Isagoo kaashanay Ozil ayay kooxda Gunners ku riixeen in ay hoogaanka u heyso horyaalka Premier League.

2. Diego Costa – Atletico Madrid

DV1562087.512

Atletico Madrid ayaa leh caado ay ku soo saarto weeraryahano tayo leh. Fernando Torres iyo Radamel Falcao ayay soo saartay sanadihii dhawaa iyadoo hada carbineysa Diego Costa.

Costa ayaa ah gool dhaliyaha ugu sareeyay La Liga xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 10 gool oo uu ku jiro goolkii guusha ee Real Madrid.

1. Zlatan Ibrahimovic – PSG

ARP3700810.512

Xidiga caalamiga ah ee reer Sweden ayaa xilli ciyaareed fiican la qaadanaya kooxda PSG.

Waxa uu dhaliyay 11 gool 13 ciyaarood oo uu dheelay kooxda Faransiiska ah ee PSG.

Ibrahimovic ayaa 4 gool ka dhaliyay kooxda Anderlecht tartanka Champions League.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by

¨