10 Ciyaartoy Ee Ugu Xasaska Qurxoon Horyaalka England Premier League
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"
Waa nonol aad u adag in aad ishaada ku aragto waqti kasta ciyaartoy kubada cagta ah, waxa ay had iyo jeer ku mashquul sanyihiin ciyaarida kubada iyo tababarka ay kooxdooda la sameynayaan.
Inkastoo mushaar aad u badan qaadanayaan hada waxaa dhibadan in habluhu ay si fudud ula kulmaan ciyaartoyga ay boqolaalka hablood jecelyihiin in ay la haasaawaan.
Hadaba marka aad dhaqaado taageerayaasha kubada cagta Premier League waxa ay aad ugu doodaan arrimo ay kamid yihiin laacib hebel iyo laacib hebel keebaa fiican laakiin ahada waxaan heynaa keebaa ugu xaas qurxoon.
Waxaan idiin soo bandhigeynaa 10 ciyaartoy ee ugu xaasaska qurxoon xidigaha ka dheela horyaalka Premier League:
10. Helen Evans – Jonny Evans
Daafaca Manchester United iyo Northern Ireland ayaa magaciisa ku helay dhawr biladood. Sadax koob Premier League, sadax koob oo Community Shields, labo League Cups iyo hal koobka kooxaha Aduunka ah.
Shaki kuma jiro in qofkasta uu tuhmayo in sidaasi uu ku guursaday Evans gabadha Helen.
Wariyaha Northern Irish MUTV iyo Jonny ayaa is guursaday bishii June ee sanadkan.
Ku guuleysiga horyaalka Premier League iyo guurkooda ayaa isku waqti ahaa.
9. Carly Cole – Joe Cole
Joe Cole ayaa waxaa hareeyay dhawacyo soo noq-noqday xirfadiisa, laakiin markii ay nolashiisa ku soo biirtay Carly ma uusan ka wal walin wax dhawac ah.
Carly ayaa si toos ah ugu biirtay nolasha Cole sanadkii 2008, waxana waqtigaasi ay aheyd markii Joe nolashiisa ugu xumeyd madaama uu kursiga keydka ka galay kooxd Chelsea.
8. Marine Lloris – Hugo Lloris
Hugo dhawaan waxa ku dhacday jug madaxa ah oo ka timid jilibka Romelu Lukaku, taasi oo aheyd mid aan kas aheyn, lakiin waxa la sheegay in xasuustu ka tagtay, wali fiicnaashihiisa shaki ayaa lagalinayaa hase ahse ahaatee waxaa la isweydiinaya ma hilmaami karaa Marine.
Si lamid ah Hugo, Mrs. Marine kama soo muuqato meelaha ay warbaahintu joogaan sida ay sameeyaan xaasas badan xitaa lagama ahayo sawiro fiican.
Inkastoo taasi ay tahay xishoodkeeda dabiiciga ah, hadana wali waxa ay xaalada seygeeda kula socodsiisaa Twitter-ka taageerayaasha kooxda Spurs.
7. Alexandra Ivarsdottir – Gylfi Sigurdsson
Sigurdsson wali si sax ah uma qaban iftiintu tan iyo markii uu soo gaaray may not White Hart Lane xagaagii 2012, laakiin xidiga caalamiga ah ee reer Iceland waxa uu awooday in uu keeno Alexandra waqooyiga London.
Waxaa lagu magacaabay Miss Iceland 2008 waxana ay ku guuleysatay Miss World Sports dhacdadii Miss World.
Laakiin dadka reer Iceland ayaa rajeynayay in Mr. Sigurdsson uu saameyn ka balaaran mid uu hada kuleeyahay Tottenham uu yeelan doono.
6. Ludivine Sagna – Bacary Sagna
Gabadhan u dhalatay French iyo daafaca midig ee Arsenal ayaa si guul leh ugu dhameystay muddo lixsano ah kooxda Gunners, waxana ay sidoo kale isku guursadeen halkaasi iyagoo hada heystay labo caruur ah.
5. Lorena Bernel – Mikel Arteta
Lorena Bernel waxa ay ku guuleysatay gabadha ugu qurxoon Spain iyadoo jirta 17 sano, waxana ay sanad kaddib kaalinta 10aad ka gashay Aduunyada.
Waxa ay Spain ka aheyd gabar dharka xayisiisa iyo Atariisho filimaanta jisha.
4. Tanya Robinson – Phil Bardsley
Phil Bardsley waa ciyaartoyda ugu rabshada badan hadana waxa uu heystaa mid kamid ah lamanayaasha duninda ugu qurxda badan.
Robinson ayaa dhawr tartan ka qeybgashay waxaana ay ka soo hoysay guulo badan.
3. Sam Cooke – Chris Smalling
Smalling ayaa kabadalan ciyaartoyda xulka England oo aan ku mashquul habo qurux badan laakiin isagu waxa uu helay inan aad u qurxoon.
2. Elena Gomez – Javi Garcia
Elena oo ka qeybgashay tartankii 2004 Olympics games, laakiin hada waa gabar dharka xayisiisa dalalka Spain iyo Portugal.
1. Natalie Suliman – Kieran Richardson
Kieran Richardson laacibkii hore ee Manchester United ayaa loo arkaa in uu yahay ciyaartoyga ugu xaaska qurxan horyaalka Premier League.
Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya
Fikradood
Powered by