1: Saturday, June 1, 2013 - 17:47:42
2: 257 Jeer.

Ciiddamo ka socda Sera Leon oo si aad u hubeysan oo soo gaaray Magaallada Muqdisho

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

oooooooooooooooooo

Iyadoo maalmo ka hor ay Gobalo ka tirsan Somalia ay gaareen Ciiddamo ka socday Dowladda Sera Leon, ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo dheeri ah oo ka socda dalka Sera Leon oo la filaayo inay ka qeybqaataan Sugida Ammaanka iyo soo celinta Xasiloonida Somalia.

Ciidamadaan soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa Tiradooda lagu sheegay ilaa 95-isugu Jira Saraakiil iyo Ciiddamo, kuwaasoo isla manta la dajiyay Xirooyinka Ciiddamadda Midowga Africa ee Magaallada Muqdisho, waxaana la filaaya in lagu wareejiyo goobo muhiim ah oo ay ka hawlgalaan.

Warar is khilaafsan oo laga helaayo dhanka Dowladda ayaa waxa ay sheegayaan in Ciiddamadda ay si toos uga hawlgali doonaan Muqdisho, halka wararka kale ay sheegayaan in Ciidamada u gudbi doonaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo ah halka loogu talo galay.

Si kastaba ha ahaatee, Andrew Gutti, Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa usheegay Saxaafada in ciidankaan AMISOM ay yihiin ayna ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo oo ah halka la doonayo inay ka howgalaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed