2: 66 Jeer.
Ciidamadda DFS iyo kuwa AMISOM oo Saaka howlgalo ka wado Xaafadaha Degmada Heliwaa
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Warka naga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ayaa sheegaya in halkaasi ay Saaka howlgalo kawadaan Ciidamadda DFS oo kaabayo kuwa AMISOM.
Howlgalada ay Ciidamadu wadaan ayaa waxa uu imaanaya kadib markii Habeennimadii xalay uu halkaasi Dagaal iska hor imaad ah ku dhex maray Ciidamadda DFS iyo Alshabaab.
Inta badan Wadooyinka Xaafadda ka baxa iyo kuwa gala ayaa xiran waxaana la arkayaa Ciidamo taagtaagan kuwaasi oo baarayo dadka wadooyinka isticmaalayo iyo kuwa gaadiidka saran.
Dhanka Kale Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Qoslaaye oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa isagu ka gaabsaday waxa faahfaahin ahna kama uusan bixin guddoomiyaha.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨