Waxaa la aqristay: 78 Jeer.
Ciidamada DFS iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Degmada Qoryooleey
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Wararka naga soo gaarayo Shabellaha Hoose ,gaar ahaan Degmada Qoryooleey, ayaa sheegayo in halkaasi uu Dagaal Xoogan ku dhex maray Ciidamo taabacsan DFS iyo Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Weerar ku qaaday Fariisimo ay Al-shabaab ku la haayeen Degmada Qoryooleey.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Weerarka ku Qaaday Tuulo Degmada Qoryooley u jirta 8KM,oo Al-shabaab ay iska soo abaabylayeen.
Mid kamid ah Askarta DFS ayaa shabakadani u xaqiijiyey in Dagaalka uu ahaa mid ku bilowday gaadmo,waxaana uu sheegay in ay Khasaaro gaarsiiyeen Al-shabaab.
Askariga ayaa intaa ku daray in Seddex ka tirsan Dagaal yahanada Al-shabaab ,ay dagaalka Xalay ku dileen,kuwa kalana ay ku dhaawaceen sida uu sheegay.
Kooxda Al-shabaab,wali wax war ah oo Dagaalka Xalay ka dhacay Degmada Qoryooley Tulo u dhaw ka mahadil.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨