2: 1,043 Jeer.
Chelsea oo ogaatay in Man United aaney iibsan karin Cristiano Ronaldo.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Chelsea ayaa diyaar u ah in ay si rasmi ah ula hadasho Real Madrid ,iyadoo ka dooneyso Cristiano Ronaldo.
Chelsea ayaa ogaatay in Man United aaney iibsan karin xidiga wadanka Portugal Cristiano Ronaldo.
Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid , Ramon Calderon ayaa usheegay talkSPORT in United loo sheegay in ay dhiibto qiimihii ay ku iibiyeen Ronaldo 4 sano ka hor ayna ka cudur daarteen .
Hadalkas ayaa la sheegay in uu dareen gaar ku dhaliyay Chelsea taas oo diyaar u ah in ay bixiso qiimaha ay dooneyso Madrid oo ah £80milion.
Kooxda The Blues ayaa dib usoo celin doonta Jose Mourinho waxaana ay dooneysa in ay sidoo kale soo qaadato Ronaldo.
Roman Abrahimovic ayaa wakiilo udiri doona Madrid si ay uweydiin hadii £80milion ay ku fasaxayan Ronaldo.
Laakiin qoraaga DAVID KENT ayaa aaminsan in Ronaldo uu doonayo kooxdiisii hore ee United.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨