1: Monday, July 1, 2013 - 20:40:16
2: 596 Jeer.

Chelsea oo £40m iyo Ramires ku soo xireysa saxiixa Edinson Cavani

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

cavani ok
Chelsea ayaa qarka usaaran in ay la soo wareegto gool magafa ah Uruguay iyo kooxda Napoli , Edinson Cavani kadib markii la sheegay in ay aqbaleen qaabka ay wax urabto Napoli.

Daily Star ayaa soo warisay in kooxda reer London ay diyaarisay xidigeeda khadka dhexe , Ramires si uu qeyb uga noqdo heshiiska Cavani.

Cavani ayaa la aaminsan yahay in uu Chelsea sanadkii ka qaadan doono aduun dhan £7.2m

Ramires ayaa waxaa uu bartilmaameed u yahay macalinka Napoli Rafa Benitez .

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay bixiso £40m oo lagu daray Ramires si uhelaan 26 jirkaan .

Arintaan ayaa soo af jari karta muran maalmo uqaatay oo udhaxeeyay labada koox.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed