2: 982 Jeer.
Cesc Febregas shalay labo jeer ayuu farxay (ma,ogtahay wuxuu ku farxay?
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Cwsc Febregas ayaa sheegay in shalay uu labo jeer farxay waxaana ay aheyd farxadiisu in kooxda Barcelona ay soo gaartay semi final-ka Champions League iyo in loo dhalay cunuugii koowaad .
Cesc ayaa 62 daqiiqo ciyaaray kulankii Barcelona iyo PSG ka hor inta an lagu badalin boqorka yar ee Barcelona Lionel Messi ,markaas oo Barca ay ku soo baxday sharciga goolasha markii ciyaartu ku dhamaatay 1-1.

Laakin Fabregas ayaa isla xilgaas waxaa gabar udhashay saaxiibtiis Daniella Semaan waxaana uu markiisii ugu horeeyay noqday aabe.
“Waxaa aheyd labo farxad oo iska agdhow maxaa yeelay Barcelona ayaa gaartay 4 dhamaadka Champions League ,sidoo kale waxaa aduunka ku soo biirtay gabadheyda yar ee Lia Fabregas Semaan ayuu xidigaan usheegay jariirada Sport ee spain ka soo baxda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨