1: Monday, May 27, 2013 - 16:29:06
2: 579 Jeer.

(CADEYMO). Dacwad u dhaxeysa Dahabshiil Iyo Waaga Cusub oo Maxkamadda sare ee Holland loo Gudbiyay iyo Maamulaha Dahabshiil dalbaday in la siiyo Ciidamo amaankiisa ilaaliya.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

333333

Saacado kadib waxaa Maxkamadda sare ee dalka Holland ka furmaya dacwad u dhaxeysa Maamulayaasha Dahabshiil Company iyo Waagacusub Media.

Dahir Abdulle Alasow iyo Abdirashiid Mohamed Duale ayaa isku hor fadhiisanaya Maxkamadda waxaana ka qeybgalaya dad ka badan Kontomeeyo qof oo marqaati furi doona in Shirkadda Dahabshiil maalgelin siiso Maamulka Siilaanyo iyo Kooxda Argagixisada Somalia ee Al-Shabaab.

1

Dahabshiil waxay Maxkamadda sare codsatay kadib markii tira ka laba jeer looga adkaaday Maxkamadda Magaalada Breda ee dalka Holland.

Dahabshiil waxay dadaal ugu jirtaa in Website-yada Sunatimes.com,Asoj.org iyo Waagacusub.com laga saaro Warbixin la xiriirisay inay argagixisada iyo maamulka Siilaanyo taageero dhaqaale siiyaan.

2

Maamulaha Waagacusub wuxuu Maxkamadda sare u gudbiyay in ka badan hal Milyan oo qof kana mida Macaamiisha Dahabshiil.

Halka Milyan waxaa ku jira Koontooyinka Saraakiisha ugu sareeya Al-Shabaab sida Ahmed Godane,Ibrahim Afakhani,Hassan Dahir Aweys,Mukhtaar Roobow iyo Fuad Shongole.

Amaanka Maxkamadda ayaa la shaaciyay in si weyn loo adkeeyay maadama dad fara badan ka qeybgelayaan.

3

Maamulaha Dahabshiil wuxuu Lawyerada difaacaya weydiistay in la siiyo Ciidamo amaankiisa ilaaliya mudada uu jooga Maxkamada maadama uu sheegay inay jiraan dad ka soo jeeda Khaatuma iyo Awdal kuwaas oo colaad beeleed u qaba.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed