2: 415 Jeer.
Brazil oo xaaqday Italy iyo Harnandez oo qudha ka jaray Japan
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xulka Jaalayaasha ee Brazil ayaa waxay afka ciida u dareen xulka Italy, ciyaar ka tirsaneyd koobka Confederation Cup-ka.
Marti galiyaasha koobka Confederation Cup-ka ee Brazil ayaa waxay ka heysasho badnaayeen kubada marka loo eego dhigooda Italy, iyadoona ciyaarta ay aheyd mid aad u adag
Qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta ayaa waxaa goolka koowaad xulka Brazil u saxiixay daafaca Dambe ee Brazil Dante, kadib markii lagu badalay ciyaaryahan David Luiz oo dhaawac soo gaaray.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaaminayeen Xulka Jaalayaasha ee Brazil
Markii la isku soo laabtay ciyaarta ayaa waxaa goolka bar bara ahaa u saxiixay xulka Italy ciyaaryahankooda Giaccherini daqiiqadii 51-aad.
Afar daqiiqo kadib markii ciyaarta noqotay 1-1, ayaa wiilka dahabka ee xulka Brazil Neymar waxa uu helay kubad laad Xor aheyd, markaas uu daba mariyey gool waardiyeeyaha Xulka Italy Buffon, daqiiqadii 55-aad, isagoona ciyaarta u badaay 2-1.
Brazil ma joojin weeraradii aan kala joogsiga laheyn oo ay ku heysay goosha Xulka Italy, waxaa goolka sadaxaad u dhaliyey xulka Brazil ciyaaryahan Fred daqiiqadii 66- ee ciyaarta.
Italy ayaa waxa ay heshay gool uu u dhaliyey daafacooda Chiellini, kaas uu garsoorahii ciyaarta uu qaatay go’aamo kala duwan, iyadoona markii dambe a isku af gartay inuu goolyahay, iyadoona ciyaarta noqotay 3-2.
Dagaalkii ay waday Brazil ma joogsan iyadoona sheegtay inay sii wadeyso weeraradeeda, iydoona mar labaad uu goolka Afarad uu dhaliyey ciyaaryahan Fred kubad uu goosha ku tuuray ciyaaryahan Marcello, daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta.
Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-2 oo ay ku adkaadeen marti galiyaasha koobka Confederation Cup-ka ee Brazil .
Dhanka kale xulka Mexico ayaa 2-1 uga adkaaday xulka Japan waxaana labada goolba madax ugu dhaliyay Mexico ciyaariyahan kooxda Man United Javier Harnandez.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨