2: 433 Jeer.
Boqorka Goolasha Messi oo jebiyey Rikoorkii Muller
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Cidna ugama baahna in ay tiraahdo boqorkii goolasha maxaa yeelay dadka oo dhan waa uu ku qasbay Messi kadib markii uu jabiyay rikoorkii Muller.
Lionel Messi ayaa ciyaartii xalay ee Real Betes iyo Barcelona 1-2 waxa ay u ahayd habeen taariikhi ah oo uusan weligiis hilmaali doonin kaddib markii uu jebiyay Rikoorkii ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa taariikhda Kubadda Cagta ee Gerd Muller.
Kulankaan oo ahaa midkii 15-aad ee Horyaalka La Liga-ha Spain ayaa Messi waxaa 2-gool oo uu ka dhailyay Betes uu ku noqday laacibka ugu goolasha badan caalamka maadaama sanad gudihiisa uu ku dhaliyay 86-gool, waxaana halkaasi uu ku jebiyey Rikoordkii 85-ka gool ee 40-ka sano la jebin waayay ee uu dhigay laacibkii hore ee Jarmalka Gerd Muller 1972-kii.
86-kaasi gool ayaa Messi loo xisaabiyay sanadkaan goolashii uu u dhaliyay xulkiisa Argentina iyo Barcelona.
Guushani Betes ayaa waxay sidoo kale Barcelona u ahayd guushii ugu horreysay ee ay Real Betes kaga gaaraan garoonkeeda (Estadio Benito Villamarín) muddo 7-sanadood ah.
Xidiga Argentina ayaa labada gool ee uu taariikhda ku galay waxa uu kala dhaliyay daqiiqadihii 16-aad iyo 25-aad, iyadoo goolka qura ee Betes-na uu daqiiqaddii 39-aad u dhaliyay Ruben Castro.
Lionel Messi oo loo saadaalinayo in markii 4-aad ee isku xigta uu ku guuleysan doono Kubadda Dahabka ah ee ‘Ballon d’Or 2012′ ayaa waxa uu haatan hoggaaminayaa gool dhalinta H/Spain isagoo leh 23-gool.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨