Waxaa la daabacay: Wednesday, May 21, 2014 - 11:27:01
Waxaa la aqristay: 237 Jeer.

Barcelona oo heshiis la gaartay seyga Shakira ee Gerard Pique

Waxaa Qoray:

shik

Daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa heshiis kordhin seddexsano la gaaray kooxda ku guuldareysatay in xagaagan ay koob uun qaado.

Heshiiskan cusub ayaa ku Ilaalinaya xiddigan garooonka Can Nou ilaa sanadka 2019.

Ciyaaryahanka Spain ayaa Barcelona ka caawiyay iney ku guuleysato Labo Champions league iyo shan kamid ah lix koob La Liga ah  uu la qaaday markii uu imaanayay kooxdan tan iyo sanadkii 2008-dii.

Barcelona ayaan wali shaacin heshiiskan balse 10-ka maalmood ee soo adaan ayaa la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiiskan.

Pique ayaa u saftay Barcelona 266 kulan,waxaana uu u dhaliyay 20 gool,waxaana inta badan ay daafaca dhex ugu ciyaaraaan isaga iyo Sergio Ramos xulka Spain.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨