1: Wednesday, June 26, 2013 - 21:25:59
2: 803 Jeer.

Barcelona oo €30m iyo Thiago ku dooneysa Wayne Rooney

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

rooney 8593_heroa
Kooxda Manchester United ayaa laga cabsi qabaa in ay dib ugu laabato xiisaha Thiago Alcantara kadib markii ay Barcelona ka dhabeysay baahida Wayne Rooney .

Jariirada Sport ee ka soo baxda Spain ayaa daabacday in kooxda Barcelona ay dooneyso saxiixa Wayne Rooney kaas oo taageero qarsoon u ah Barcelona.

The Catlan ayaa sheegtay in €30m oo euro oo lagu daray Thiago in ay ku doonayaan Rooney taas oo caqabad ku noqotay Red Devills.

Tababare David Moyes ayaa ubaahan in uu isku helo Rooney iyo Thiago Alcantara si uusan uga hoos marin darajadii Alex Ferguson.

Barcelona ayaa ubaahan in ay Rooney ku buuxiso booska David Villa kaas oo laga yaabo in uu kooxda ka tago.

Man United ayaa hal arin ku fasixi karta Rooney midaas oo ah in ay helaan Cristiano Ronaldo oo ay ku raad joogaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed