1: Friday, July 5, 2013 - 14:53:58
2: 411 Jeer.

Barcelona oo €25 million iyo David Villa ku dooneysa Wayne Rooney

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

rooney 52-16767500-640-360
Wayne Rooney ayaa lagu kala bixi doonaa mustaqbalkiisa dooda dhaliyay maalmaha soo aadan kadib marka ay is arkaan hogaamiyaha Man United David Moyes.

Rooney oo labo jeer codsaday in la iibiyo xagaagi dhamaaday ayaa umuuqda in uu noqday dooqa koowaad ee kooxda Barcelona.

Jariirada Sports ee ka soo baxda gobalka Catlan ayaa sheegtay in Barcelona ay dooneyso in Man United ay ku wareejiso lacag dhan €25 million oo euro oo lagu daray David Villa

Weeraryahanka Spain David Villa oo lagu qiimeyo €10 million ayaa doonaya in uu kooxda ka tago waxaana ay Barcelona dooneysa in ay ku wareejiso Man United si ay uga halaan Rooney.

Jariirada Sports ayaa sheegtay in tababare Tito Vilonova uu ku riyoonayo Messi, Neymar iyo Rooney in ay wada jir uciyaaraan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed