2: 1,324 Jeer.
Bale oo doonaya in uu ku biiro Man United
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xidiga 23 jirka ah ee xulka Weles Gareth Bale ayaa la,ogaaday in uu jecel yahay in uu uciyaaro kooxda Manchester United.
Jiori Ann waa nin ay saaxibo isku dhow yihiin xidiga garabka ee kooxda Tottenham Hotspur, Gareth Bale, waxaana uu shegay in Bale uu doonayo in uu ku biro Man United .
“Bale waxaa uu ii sheegay in United ay tahay dooqiisa ,laakiin kama war haayo waxa ay Tottenham go,aansan doonto ayuu Jiori Ann usheegay London Evening Standard.
“Mar walba Old Trafford ayuu ka hadlaya ,waxaa uu ii sheegay in uusan xiiso badan uqabin Real Madrid laakiin uu ka door bidaayo Man United .
United ayaa xidigaan ku raad joogta ,laakiin gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy ayaa qiray in aaney kooxdiisu hada diyaar u aheyn in ay iibiso Bale.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨