HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, June 27, 2013 - 09:34:29
Waxaa la aqristay: 685 Jeer.

Axmed Siilaanyo oo Farriin kulul u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Waxaa Qoray:

5

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qudbadeeyay munaasibada Xuskasanad guurada 53 aad ee ka soo wareegtay habeenkii Somaliland Xorriyada ka heshay Gumaysigii Ingiriiska sida ay sheegeen ee ay Calan taagto oo ka dhacday Madaxtooyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horayn ka hadalay Munaasibada ayaa shacabka Reer Somaliland Hambalyo u diray “Dadweynaha Somaliland waxaan idinku salaamayaa debaal dega munaasibada 53 aad ee xorriyadii Maamulka Somaliland, waxay ahay mid aynu ku taamaynay Somali oo dhan in aynu gaarsiino oo waxaynu la tagnay somaliya Afar cisho kadib” sidaa waxaa yiri Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka hadlaya dhibaatadii dhacday waxa uu raaciyay “Waxa loo galay halgan dheer oo dib loogula soo noqday, kadib markii dadweynaha reer Somaliland laga qadiyay manaasiibtii ugu muhiimsanayd ee Dawladdii la wada dhistay.” Ayuu yiri

Isagaoo u jawaabaya hadalo ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya waxa uu yiri “Madaxweynaha Somaliya waxa uu yiri goosashada Maamulka Somaliland in ay tahay caadifad, waxaan u sheegayaa in aanay caadifad ahayne in halgan dheer loo soo galay, waxaan leeyahay Caadifad maahee waa qadiyad dhab ah oo ay reer Koonfureedku keeneen, Somaliland-na waa Maamul jira oo beesha Caalamku la xiriirto wakhti kasta oo ay qaadatana waa mid jiraysa.”

Ugu danbayna waxa uu Hambalyo markale u diray Shacabka Reer Somaliland “Ummada Reer Somaliland ee Gudo iyo Dibed ba joogta waxaan u hambalyaynayaa munaasibada aan u dabaal degayno oo ah Xooriyadii ugu horaysay ee Maamulka Somaliland Ingiriiska ka heshay Somaliya oo gumaysi ku jirta, waxaan idin leeyahay sanadka sanadkiisa illaahay Nabad ha inagu gaadhsiiyo” ayuu kaga baxay.

Qasriga Madaxtooyadda Maamulka Somaliland oo Habeenkan oo kale sanad kasta lagu xuso munaasibadan ayaa waxaa ka socda Dabaal deg balaaran.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨