HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, May 16, 2014 - 21:40:40
Waxaa la aqristay: 557 Jeer.

Axmed Madoobe oo Jabuuti looga yeeray (Waa maxay sababta?) + Sawirro

Waxaa Qoray:

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa daqiiqado ka hor ka duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, isagoo ku sii jeeda dalka Jabuuti.

Socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay inuu martiqaad ka helay madaxda dalka Jabuuti, halkaasi oo kulamo kala duwan kula yeelanayo madaxda Jabuuti iyo hay’adaha samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti, iyagoona ka wadahadlaya sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan Jubbooyinka.

Booqashada Axmed Madoobe ayaa timid xilli dhowaan magaalada Kismaayo uu tegay Taliyaha ciidamada Jabuuti Jan. Subagle.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in booqashada Axmed Madoobe ee dalka Jabuuti ay la xariirto sidii uu madaxda Jabuuti ugala hadli lahaa inay ka taageeraan maamulkooda dhinacyada amniga, ganacsiga iyo taageerada ciidamada maamulkaasi.

madoobe (1) madoobe (2) madoobe (3)

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨