2: 663 Jeer.
Axmed Madoobe oo Go’aan adag kusoo rogay Maamulka iyo Ciiddamadda Garoonka Kismaayo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maamulka KMG Kismaayo Axmed Madoobe, ayaa waxaa lagu amray Ciiddamadda Ammanka Garoonka Kismaayo ee ka kooban Kenya iyo Raaskambooni inaysan Ogolaan soo degida Diyaaradaha ay la socdaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda Somalia.
Warqadaasi oo ka soo baxday Xafiiska Axmed Madoobe, ayaa waxaa loo qeybiyay gabi ahaan Maamulka iyo Shaqaalaha Garoonka, iyadoona lagu wargaliyay in celshaan Duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho ee sida Madaxda Dowladda iyo kuwa Sida Dowladda oo ka duulaaya Garoonka kuna wajahan Muqdisho.
Sidoo kale, Cabdullahi Osman Yalaxow oo kamid aha Saraakiishii Wafdiga Wasiirada u diiday inay galaan Gudaha Magaallada Kismaayo ayaa shegay in Ciiddamada AMISOM ay ku amreen inaysan gudaha u soo fasixin Wasiirada ka yimid Muqdisho, isagoo xusay in wasiiradaasi ay u socdaan kala jabinta shacabka Reer Jubaland State waa sida uu hadalka u dhigay Cabdullahi Osman Yalaxow.
Cabdullahi Osman Yalaxow, Waxa uu sheegay in wixi hada ka dambeeya aysan soo gaari karin Kismaayo wafdi ka socda magaalada Muqdisho,kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kooxo qaswadayaal ah, isla markaana doonaya inay kala qeb-qeybiyaan Bulshadda Jubbooyinka.
‘’Maamulka waxa uu isla meel dhigay in aan la ogolaan in Diyaarad wadda Madaxda Dowladda kasoo dagaan Kismaayo kana duulan, waxan arrintaasi gaarsiinay Maamulka iyo Ciiddamadda Nabadsugida Garoonka Kismaayo’’Sidaa waxaa yiri Cabdullahi Osman Yalaxow, oo intaa raaciyay inay ka go’an tahay inay iska caabiyaan wax waliba ee ka hor imaada kalsoonida Shacbiga iyo Maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, Haddalka ka soo yeeray Axmed Madoobe iyo Cabdullahi Osman Yalaxow, ayaa waxa uu imaanaya Xilli ay Garoonka Kismaayo weli ku xaniban yihiin Wafdi Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia kuwaasoo uu Go’aan kusoo rogay Guddoomiyaha Maamulka KMG Kismaayo Axmed Madoobe.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨