1: Sunday, June 8, 2014 - 06:44:20
2: 665 Jeer.

Axmed Godane oo Amniyaadkiisa ku wargaliyay in la Kharijiyo Sheekh Ata mama loo keeno Madaxiisa.

Waxaa Qoray:

Illo wareedyo ka tirsan Alshabaab gaar ahaan Saraakiisha u dhow Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa xaqiijiyay in Godane uu Amniyaadkiisa ku wargaliyay inay Kharijin karaan Hoggaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Puntland, Maxamed Siciid Maxamed (Atam).

Axmed Godane ayaa la sheegayaa in Amniyaadkiisa uu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gacan galsho Ata mama loo keeno Madaxiisa, waxa uuna Tilmaamay inuu Atam isu dhiibay Dowlada Federaalka Somalia Shir Jaraa’id oo lagu wax yeeleynaayana ku dhex qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ee Muqdisho.

Sidoo kale, Marka uu Hoggaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Puntland, Maxamed Siciid Maxamed (Atam) uu ka baxay kooxda iskuna dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay Gaari iyo Ciidan si gaar ah u suga Ammaankiisa, isagoona agagaarka Madaxtooyada laga dajiyay Hooy ammaan ah.

Dhanka kale, DFS ayaa iyadu balanqaatay Sugida Ammaanka Maxamed Siciid Maxamed (Atam) waxa ayna sheegtay inay il gaar ah ku eegi doonto Wadaadka isu soo dhiibay ee xiligaani Muhiimka u ah Alshabaab.

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨