2: 1,435 Jeer.
Axmed Cabdi Goddane oo Amar ku bixiyay in Gacanta lagu dhigo Xasan Daahir Iyo Rooboow iyo Isaga oo ka hadlay Ajaanibta gacantiisa ku baxday.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Hogaamiyaha Kooxda Alshabaab Ahmed Abdi Godane ayaa ku amray guutooyin uu sheegay inay ku sugan yihiin Gal-guduud iyo Bay iyo Bakool inay Gacanta kusoo dhigaan Xasan Daahir Aways iyo Muqtaar Rooboow Abu Mansuur. Amiirka Al-shabaab wuxuu sidaa ka sheegay mar uu Maanta Shir Jaraa,id ku qabtay Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hosse, kaas oo uu kaga hadlay Khilaafka u dhexeeya Ururka Alshabaab iyo sida uu kusoo bilaabmay.
Wuxuuna Xusay in Khilaafka intiisii badnayd la xaliyey, balse ay harsan tahay oo kaliya in gacanta lagu soo dhigo Hasan Dahir Aways iyo Mukhtaar Roobow (Abuu-Mansuur),wuxuuna wacad kumaray inuu gacanta kusoo dhigayo idanka eebe maalmaha soosocda. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Amar ku qabaan waxa uu ugu yeeray Mujaahidiintu inay ku beegsadaan Goobkasta oo ay kusugan tihiin.
Amiirka Alshabaab ayaa arrinta Khilaafka ku macneeyay ‘’inay jiraan kuwa diinta Alleh ku gadanaya waxooggaa saldanad ah, Balse waxaan marsiin doonaa shareecada waxay kaqabto cida kahortimaada uulu-amriga’’ ayuu yiri, wuxuuna sheegay inay heshiis Hosaad ku jireen mudo dheer laga soo bilaabo Sanadkii 2012 bishii August ilaa iyo xiligaan ayuu yiri Abuu-zubayr.
Dhinaca kale Amiirka Al-shabaab wuxuu sheegay inuu dilay Shaqsiyaad Basaasiin ku ahaa islaamka, kuwaas oo uu xusay inay banaan-tahay in la dilo Cidkasta oo falkaasi ku cadaado. Wuxuuna ugu baaqay guutooyinka ku sugan Galgaduud iyo sidoo Bay-Bakool inay gacanta Kusoo dhigaan Hassan Daahir Aways iyo Roobow Abuu-mansuur. Hase yeeshee Ahmed Godane ayaan soo hadal-qaadin Ibaraahim Afqaani oo weerar lagu soo qaaday todobaadkan guriga uu degnaa ee Marka ku dhaawacmay, isla markaana dhaawaciisa ka dib wararka qaar sheegayan inuu dhintay.
Weerarkaa oo Malayshiyo 800 gaaraya oo Kooxda Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ku qaadeen kooxda ay Hoggaaminayeen Xasan Daahir Aways iyo Ibraahin Afgaani ayaa la sheegayaa inuu ku waajahnaa Afgaani iyo nin lagu magcaabo Burhaan oo mar madax ka ahaa garabka lagu magcaabo Jabhada ee sida Milateriga u dagaalanta.
Wuxuuna weerarkaasi sababay dhaawac soo gaadhay Afgaani iyo Saraakiil kale iyo sidoo kale qabashada ilaa 7 ka mid ah Saraakiil madax ka ah Al-shabaab, balse garabka Mucaaradka ah la safnaa, iyadoo dhimashada Khasaaraha weerarkaa aan war cad laga hayn, balse Sheekh Xasan Daahir iyo saraakil kale ay u firxadeen dhinaca Cadaaddo, halka Muqtaar Rooboow Abu Mansuur u firxaday dhinaca Bay iyo Bakool.
Hogamiyaha Al-shabaab Abu Subayr kama hadlin dhacdooyinkaa, mana soo hadal qaadin halka ay ku danbeeyeen rag badan oo la layahay meel ay u firxadeen iyo kuwa dhaawaca lagu qabtay, ama is dhiibay markii loo awood sheegtay, balse wuxuu shaaca kaqaaday inay Gacanta ku Dhigayaan shaqsiyaad lashaqayn jiray kuwa falaagoobay.
Amiirka Alshabaab ayaa hanjabaada uu jeediyay weerarka uu ku qaaday Kooxda ka dib, waxa lala xiriiriyay Khilaaf mudo soo jiitamayay oo u dhexeeyay garabka uu hogaamiyo iyo garabka kale ee ay ka mid ahaayeen
Xasan Daahir Aways
Ibraahin Afgaani oo loo yaqaan Sheekh Ububakar Al-selici,
Abu Mansuur (Muqtaar Rooboow)
Shafiiq Hammami oo loo yaqaan Al-amerki
Bilaal Barjaawi (Burhaan)
Fu’aad Shangole iyo rag kale, kuwaas oo ka hor intii aan weerarka lagu qaadin doonayay inay ku dhawaaqaan Urur ka madax banana Axmed Cabdi Godane.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ibraahin Afgaani dhaawaciisa loo qaaday dhinaca Diinsoor, halkaas oo looga sii gudbiyay dhinaca Bu’aale oo ka mid ah deegaamada kooxda Amiirka Al-shabaab gacanta ku hayso, balse warar kale ayaa sheegaya in Afgaani uu dhintay kadib dhaawac kasoo gaadhay Lugaha iyo Caloosha, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya dhimashada Afgaani.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨