2: 1,111 Jeer.
Awooda Alshabaab oo kusoo biya shubatay isu soo dhiibata Dowladda Somalia.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Saraakiil ka tirsan Maleeshiyadda Alshabaab ayaa shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyay inay wiiqan tahay Awoodii ay ku dhex lahaan jireen Bulshadda Somaalida.
Sarkaal dhawaan ka baxay Maleeshiyadda ayaa inoo xaqiijiyay in Maleeshiyadda ay xilligeeda dhaaftay, waxa uuna sheegay inay kusii siqeyso bur-bur iyo Khilaafo xoogan oo ka dhex taagan Saraakiisha Ajaanibta iyo kuwa Soomaalida.
Waxa uu inoo xaqiijiyay in Bil waliba ay ka soo goostaan ku dhawaad 250, kuwaasoo uu ku sheegay inay isku soo dhiibaan Ciiddamadda Dowladda ee ku kala sugan gudaha iyo daafaha Somalia.
Sidoo kale, Sarkaalka waxa uu sheegay in Xiligaani ay taagan yihiin meel xun, isagoona sheegay in sababta uu uga soo baxay ay tahay kadib markii ay Saraakiisha bilaabeen inay Kharijiyaan Askarigii ka tirsan Maleeshiyadda oo diida amarka.
Si kastaba ha ahaatee, Sarkaalka waxa uu Tilmaamay in loo baahan yahay in kuwa harsan ay isku dhiibaan Xukuumadda Somalia, wuxuuna sheegay in lagu jiro xilligii dalka la dhisi lahaa maadaama uu yiri ay Kooxda bur-burtay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨