2: 96 Jeer.
Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS oo xalay lagu Toogtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
War goor dhow naga soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Koox Hubeysnaa ay gudaha Degmadaasi ku toogteen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wararku waxa ay sheegayaa in Dilka uu ka dhacay Xaafada Xaawo-taako ee Degmada Afgooye,waxaana Dilka Geeystay Koox Bastoolado ku Hubeysan iskamarkaana Dilka ka dib fikaday.
Dilka ayaa waxaa xaqiijiyay Madaxa Amaanka Degmada Afgooye waxa uuna sheegay in Askariga la dilay uu ka mid ahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya,dilkiisana ay geeysteen Al-shabaab.
Dhanka kale, Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Saaka Baaritaano ka wada Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨