1: Wednesday, June 12, 2013 - 17:42:02
2: 1,752 Jeer.

Askari ka tirsan kuwa AMISOM oo Madaxweynaha Somaliya Hortiisa Feer kala daalay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed (Akhriso)

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ww

Askari ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta u joogo Soomaaliya ee AMISOM ayaa waxa uu feer kala daalay  Taliyaha Ciidamadda Booliska Somaaliya General C/xakiin Saacid.

Arintaan ayaa dhacday kadib markii uu Taliyaha damcay in uu Gudaha u galo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho balse askari Ilaala ahaa ayaa Taliyaha u diiday uu gudaha u galo Garoonka.

Generaal Saacid ayaana la sheegay in uu cod dheer ah ku yiri Waxaan ahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed, Balse Askarigii ayaa  u sheegay in uu Dibada taagnaado amarkiisana uu ka shaqeyn Garoonka Diyaaradaha.

Falkaani askari uu ku feeray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Saacid ayaa timid wax yar ka hor markii la isku diyaarinayay in Garoonka Aadan Cadde lag u soo dhoweeyo wafi ka socday Beesha Caalamka.

Dowladda Somalia aysan ka hadlin Feerka lagu dhuftay Taliyaha mana jirta Cid is weydiisay xadgudubka Taliyaha loo geystay iyo sidii lagu xalin lahaa feerka ku dhacay Taliyaha.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed