2: 702 Jeer.
Arsene Wenger oo ilaa haatan suuqa Yurub daawade ka ah madaama uusan wax ..
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Labo bil ka hor markii uu Premier League gaba gaboobay macalin Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay inuu heesto 70-milyan oo pound diyaarna u yahay inuu suuqa Yurub ku faraqo tan iyo markaas waxaan aragnay xidigo farabadan oo suuqa Yurub laga kala iibsaday una kala dhaqaaqeen naadiyada Yurub ugu caansan waxaan ka xusi karnaa laacibiintii ugu magaca dheeraayeen kuwii la kala iibsaday Carlos Tevez, Neymar, Radamel Falcao, Fernandinho, David Villa, Andre Schurrle, Jesus Navas, Isco, Mario Gotze, James Rodriguez iyo Joao Moutinho, balse macalin Arsene Wenger wuxuu suuqa Yurub ka noqday daawade u kuur galo dhaq dhaqaaqa ay samenayaan kooxaha ay wada xifaaltamaan.
Ciyaaryahanka ugu dhowaaday inuu Arsenal ku biiro ayaa noqday Gonzalo Higuain balse wixii la is jiid jiidaba gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ka dhawaajiyay in Arsenal aysan wax dalab ah miiska u soo saarain 10-milyan xitaa ha noqotee!
Waxaa la wada xasuustaa in labo sano ka hor uu Wenger dadaal xoogan u galay saxiixa Juan Mata balse sidii uu daawasho ugu jiray xidigan waxaa laga iibiyay naadiga Chelsea sidaa darteed macalinkan qalad uu horey u galay ayuu mar labaad kusoo celin rabaa madaama uu horey u dhaqaajin la’yahay soo xero galinta Gonzalo Higauin.
Arsenal waxay ka mid tahay kooxaha ugu hantida badan caalamka sidoo kalena si joogto ah uga qayb qaadato koobka horyaalada Yurub hadaba maxay tahay caqabada ka hortaagan Wenger inuu suuqa Yurub kasoo dukaameesto?
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨