2: 341 Jeer.
Arsenal oo udhaqaaqday xidiga Man City Gareth Barry.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaya in ay udhaqaqday saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City, Gareth Barry.
The Sun ayaa sheegtay in The Gunners ay lacag yar ku heli karto xidigaan oo hal sano uu kaga dhiman yahay heshiiskiisa Man City .
Barry ayaa asbuucii £100,000 ka qaata kooxdiisa laakiin Arsenal ayaan siin doonin mushaar intaa la eg .
Laakiin midaa badalkeeda kooxda Arsenal ayaa siin doonta labo illaa sadex sano oo heshiis cusub ah .
The Gunners ayaa la kulmi doonta wakiilka xidigaan .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨