2: 285 Jeer.
Arsenal oo udhaqaaqday Takashi Inui.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaya in ay uqalab qaadatay saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Eintracht Frankfurt Takashi Inui.
Sida ay saakay qortay jariirada Daily Mail tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa aad ula dhacsan qaab ciyaareedka 24 jirkaan udhashay wadanka Japan waxaana uu doonaya in uu ku xoojiyo kooxdiisa .
Gudoomiyaha Arsenal Steve Rowley oo daawaday qaab ciyaareedka 24 jirkaan ayaa sheegay in tababare Wenger uu leeyahay dooq wanaagsan uuna laacibkaan uqalmo in uu ka ciyaaro garoonka Emirates.
The Gunners ayaan wali shaacin qiimaha ay ku rabto laacibkaan .
SIMON JONES oo ah qoraa ka tirsan jariirada Daily Mail aya aaminsan in Arsenal aaney hada ubaahneyn ciyaariyahan ka ciyaara khadka dhexe
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨