1: Wednesday, June 12, 2013 - 09:12:17
2: 632 Jeer.

Arsenal oo udhaqaaqday laacib lagu qiimeyo £40 million

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

giantages
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaya in ay liiskeeda suuqa kala iibsiga ku darsatay laacibka khadka dhexe ee kooxda Benfica , Nicolas Gaitan.

Tababare Arsene Wenger ayaa doonaya in uu laacibkaan u isticmaalo lacag kaash ah si uu ukeeno garoonka Emirates Stadium.

Nicolas Gaitan oo khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa xirfadiisa ka soo bilaabay kooxda Boca Juniors, ka hor intii uusan 2010-kii ku soo biirin kooxda Benfica.

Gaitan oo aad looga jecel yahay garoonka Estádio da Luz ee magaalada Lisbon ayaa wararka ka imaanaya Portugal waxaa ay sheegayan in uu dalab weyn ka helay kooxda Premier League ciyaarta ee Arsenal.

Laakiin The Gunners ayaa culees kala kulmi karta saxiixisa kadib markii la sheegay in ay kooxdiisu ku iibin karto aduun dhan £40milion.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed