2: 206 Jeer.
Arsenal oo u dhaw in ay heshiis lagaarto goolhaye Julio Cesar?
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Naadiga Liverpool goolhayaheeda Pepe Reina ayaa la rumeysan yahay in uu yahay goolhaya koowaad ee kooxda Barcelona dooneyso in ay ku badasho goolhaye Victor Valdes.
Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay dhawdahay in kooxda Queens Park Rangers ay kal soo saxiixato goolhayaha Julio Cesar.
Cesar oo iminka da;diisa tahay 33-jir ayaa waxaa la rajeynaa in uu isaga soo tago kooxda QPR maadaama sanadka danbe ka soo ciyaari doonto horyaalka heerka labaad ee Championship.
Kooxda Gunners ayaa waxa ay hada heshiis la gaari doontaa goolhayaan wadanka Brazil u dhashay sida laga soo xigtay jariirada The Mirror.
Cesar ayaa ku soo biiray kooxda QPR bishii August sanadkii 2012 oo markaas laga soo iibsaday kooxda uu mudada todobada sano ah u ciyaarayay ee nter Milan.
Kooxda Arsenal ayaa hada ah kooxda kaliya ee u dhaw in ay heshiis la gasho gool hayahaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨