1: Tuesday, June 4, 2013 - 08:30:17
2: 223 Jeer.

Arsenal Oo U dhaqaaqday saxiixa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Bayer Leverkusen

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Lars Bender

Kooxda Kubada cagta ee Arsenal ayaa agu soo waramayaa inay dooneyso ciyaaryahanka u ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Lars Bender.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in uu jiro rabitaan ka imaanaya Wenger oo ku aadan in uu la soo hishiiyo xagaagaan laacibka kooxda Bayer Leverkusen ee Lars Bender.

Sida wargeyskaan uu qorayo Arsenal kaliya isha kuma hayaan oo doorashada koowaad uma ah xiddigoodii hore ee Fabregas in ay la shoo hishiiyaan iyadoo haddii ay ku fashilmaan saxiixiisa oo ay Barcelona qiimaha ka bad badiyaan waxa uu Wenger u jeesanayaa dhanka laacibkaan reer Jarmal oo uu qiimihiisu yar yahay .

Lars Bender ayaa ku jira ciyaartooyda Bayer Leverkusen ku tiirsan tahay tan iyo markii uu ku soo biiray xagaagii 2009-kii , iyadoo uu kooxdaas ka yahay Line up .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed