1: Tuesday, May 14, 2013 - 10:23:50
2: 934 Jeer.

Arsenal oo heshiis la gaartay Gonzalo Higuain, _Xog muhiim ah_

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

gonzalohiguainrealmadrid
Kooxda Arsenal ee wadanka England ayaa lagu soo wramaya in ay heshiis la gaartay xidiga weerarka ee kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain,

The Gunners ayaa heshiis shaqsi ah iyo mid kooxba la gaartay laacibkaan ,kaas oo ay Arsenal ku soo qaadatay €22 million oo Euro oo udhiganta £19 million oo gani ama $27 million oo dollar.

25 jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah sidaas waxaa laga s oo xigtay jariirada Sport.es.

Arsenal ayaa saxiixa laacibkaan ku garaacday kooxda ay dariska yihiin ee Tottenham.

Higuain ayaa 17 kulan kooxdiisa usaftay La liga xagagan isagoo udhaliyay 14 gool.

Ninka oo ku dhashay wadanka France balse ka tirsan xulka Argentina ayaa ku soo biiray Real Madrid 2007-dii isagoo ka yimid kooxda River Plate.

Gonzalo Higuain ayaa kooxda cad cadka usaftay 188 kulan isagoo udhaliyay 105 gool .

Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka so baxay labada koox ee Arsenal iyo Real Madrid marka laga reebo hadalka jariirada Sport.es.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed