2: 580 Jeer.
Arsenal oo ciyaaryahan muhiim ah ka dalbatay kooxda Juventus waa kuma ciyaaryahankaas?.
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda ciaarta horyaalka Premier League ee ah naadiga Arsenal ayaa la soo sheegayaa in ay u dhaqaaqday la soo saxiixashada kooxda Juventus ciyaaryahanka daafca ugu ciyaara Stephan Lichtsteiner marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda furmo.
Naadiga Gunners macalinkooda Arsene Wenger ayaa waxa iminka suuqa ka raadinooyaa xidig ku wanaagsan ka ciyaarista dadabka midi gee daafca si uu badal ugu ciyaaryahanka Bacary Sagna oo lagu wado in uu ku biro kooxda Paris Saint-Germain.
Macalin Wenger ayaa ku sheegay ciyaaryahankan u dhashay dalka Switzerland ee Lichtsteiner in uu yahay xidiga kaliya ee booskaas buuxin kara sidaas waxa uu u sheegay TMW.
Wararka waxa ay sheegayaan in kooxda Arsenal diyaar la tahay lacago gaaraya to £12m si ay u soo xero galiso ciyaaryahanka da’diisa ay tahay 29-jirka.
Lichtsteiner ayaa ku soo biiray kooxda Old Lady sanadkii 2011 ka dib markii ay ka soo qaateen kooxda Lazio .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨