1: Thursday, June 13, 2013 - 18:32:41
2: 590 Jeer.

Arsenal oo aragtay ‘new Fellaini’

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

gark
Kooxda Arsenal ayaa udhaqaaqday saxiixa Fellaini-ga cusub ee Belgiam ninka lagu magacabo Bernard Malanda-Adje.

Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa mudooyinkaan bartilmaameed ka dhiganayay laacibka khadka dhexe ee kooxda Everton , Marouane Fellaini laakiin albaabada ayey xiratay kooxda Toffees taas oo shegtay in aaney wax ciyaariyahan ah fasaxeyn xiligaan.

The Gunners ayaa badalkiisa xiligaan udhaqaaqday 18 jirka khadka dhexe ee kooxda Zulte Waregem ninka la yiraaho Bernard Malanda-Adje,

Laacibkaan oo wadanka Belgiam looga yaqaano ‘new Fellaini’ ayaa sidoo kale la sheegaa in uu leeyahay qaab ciyaareedka xidigii hore ee Arsenal Alex Song.

18 jirkaan ayaa sanadkii hore bartilmaameed u ahaa kooxda Manchester United.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed