Waxaa la daabacay: Saturday, May 24, 2014 - 17:12:37
Waxaa la aqristay: 231 Jeer.

Ar waa sidee xaalka:Arjen Robben oo isagana diiday Manchester United

Waxaa Qoray:

 

holl

Arjen Robben ayaa sheegay iney tahay Zero ama eber fursada uu ugu wareegayo Manchester United kagana tagayo Bayern Munich.

Ciyaaryahanka Dutch ayaa ah mid kamid ah bartilmaameedka macalin Louis van Gaal oo ah sidoo kale tababarahiisa xulka Holland.

Robben ayaa rumeysan inuusan rabin ku biirada Manchester United uuna ku faraxsanyahay maamulka Pep Guardiola ee kooxda Germany.

Waxaa uu sheegay inuu joogo meel isaga iyo ehelkiisa ay ku qaadanayaan waqti aad u weyn.

Arjen Robben ayaa ku amaanay labada macalin ee Man United iyo Bayern Munich kuwii ugu fiicnaa ee abid uu la soo shaqeeyay waayihiisa xirfadeed laakiin Bayern Munich ayuu ka doortay Man United.

Waa ciyaaryahankii labaad ee Man United iska diida inuu ku biiro,shalayna Toni Kroos oo Bayern ah ayaa ka soo horjeestay ku biirista Man United.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨