2: 748 Jeer.
Ancelotti : Sharaf ayey ii tahay in aan macalin unoqdo Cristiano Ronaldo inkastoo…
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Inkastoo uu Carlo Ancelotti soo maamulay ciyaartooy sumcad weyn kuleh aduunka hadana macalinka cusub ee Real Madrid waxaa uu sheegay in ay saharaf weyn utahay in uu macalin unoqdo Cristiano Ronaldo.
Carlo Ancelotti ayaa ku adkaaday kursiga Madrid kadib bixitankii Mourinho, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yahay macalinka mid ka mid ah labada ciyaariyahan ee xiligaan ugu fiican aduunka .
“Aragtideydu waa fududahay, Ronaldo inaan macalin unoqdo sharaf ayey ii tahay waa sidii waqtigii aan macalinka u ahaa Zidane ayuu Carlo usheegay Sports.
“Waa ciyaariyahan cajiib ah, kuma uusan jirin xidigihii aan macalinka usoo noqday ee caanka ahaa sida ,Luis Ronaldo, Zidane iyo Ronaldinho, waxaan rajeynaya in aan wada shaqeyno.
Inkastoo uu Ancelotti ku riyoonaya Ronaldo ,hadana mustaqbalka 28 Portugal ayaa shaki ku jira kaas oo lala xiriirinayo kooxdiisii hore ee Man United.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨