1: Monday, June 9, 2014 - 07:05:53
2: 410 Jeer.

Alshabaab oo xalay ku sigtay inay Dagaal kula wareegan Dhismaha Habar Gaalo ee Degmada Yaaqshiid iyo Dagaal Khasaaro geestay oo halkaasi ka dhacay.

Waxaa Qoray:

Warka aan Saaka ka heleyno Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegayo in Habbeennimadii xalay ay Kooxda Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaaden Dhismaha loo yaqaan ‘’Habar Gaalo’’ oo la sheegay inay ku sugnaayen Ciidamada Amniga.

Weerarka kadib ayaa waxaa bilowday Dagaal fool-ka-fool ahaa oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogagii Alshabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la sheegayaa in Dagaalkaasi uu socdau Muddo Saacad ah islamrkaana uu ka dhashay Khasaaro Nafeed.

Dagaalka intiisa badan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Ceymiska waxaana la soo sheegayaa in Xaafadaha qaar ay ku dhacayeen Rasaas iyo Hoobiyayaal ay adeegsanayeen Alshabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, Dagaalka inta uu socday ayaa waxaa halkaasi gurmad ahaan u gaaray Ciidamo isugu jiray Nabadsugid iyo Bolis, iyagoona durbadiiba xasiliyay Dagaalka halkaasina ka saaray Alshabaabkii damacsanaa inay la wareegan gabi ahaanba Dhismaha Habar Gaalo.

Lama sheegin halka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha, balse warar hoose oo aan kasoo xiganay dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Dhimashada ay kor u dhaafeyso 6-Ruux, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 11.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨