Waxaa la aqristay: 169 Jeer.
Alshabaab oo weerar ku qaaday Xarunta Golaha Shacabka DFS
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

War Goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Golaha Shacabka Muqdisho. Wararka ayaa tilmaamaya in weerarku uu ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afaafka Baarlamaanka iyadoo kadib la maqlay Rasaas xoogan oo Kooxaha weerarkaasi qaaday ay ku ridayaan Xarunta Baarlamaanka. Kooxahaan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa la sheegay in haatan ay ka dagaalamayaan Nawaaxiga Masjidka Isbaheysiga ee Baarlamaanka u dhow. Inta illaa iyo iminka la xaqiijiyay waxaa weerarka hore ee Ismiidaaminta ah ku dhaawacmay illaa 13 qof oo saraakiil iyo Ciidamo ay ka mid yihiin. Dhanka kale waxaa soconaya sida uu inoo xaqiijiyay Wariyaheenna Max’ed Cismaan Shiino oo ku sugan Gudaha Xarunta Baarlamaanka Howlo looga saarayo Xildhibaanada Xaruntooda oo maanta kulan ay ku lahaayeen.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨