1: Wednesday, June 4, 2014 - 18:15:13
2: 140 Jeer.

Alshabaab oo wadada u gashay kolonyo Gaadiid oo isugu jiray DFS iyo AMISOM

Waxaa Qoray:

Warka ka imaanayo dhanka Degmada Qoryoolee ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegayo in Dagaal Mudo Saacado Qaatay uu manta dhex maray Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo isku Dhinac ah iyo Al-shabaab oo dhinac ahaa.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab ay Jidka u galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xiligaa marayey Duleedka Koofureed ee Degmada Qoryooleey, waxaana halkaasi ka bilowday Dagaal fool-ka-fool isu bedelay oo Dhiigbadan uu ku daatay.

Dagaalka oo ahaa mid weyn ayaa waxa uu xilli dambe kusii faafay Magaalada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana uu Saameen ku yeeshay Suuqa weyn ee Degmada iyo Isbitaalka Guud ee Qoryooleey.

Sayid Cali Ibraahin oo ah Gudoomiye Xigeenka Degmada Qoryooleey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in inta uu Dagaalka socday ay dileen Alshabaab badan islamarkaana gacanta ku dhigeen kuwo kale.

Waxa uu xaqiijiyay in Dagaalka ay ku Dhinteen ugu yaraan 7-Qof oo iskugu Jira Shacab iyo Dhinacyada Dagaalamay.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya  in  Khasaaraha Dagaalka maanta ka dhashay uu ka badan yahay ilaa 10 Ruux iyo dhaawac intaa ka badan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨