1: Friday, June 14, 2013 - 21:16:41
2: 1,044 Jeer.

Alshabaab oo boorsooyinkooda ka qaatay Deegaano ku yaalla Sh/Hoose iyo Horjooge mug leh oo gacanta Dowladda galay (Akhriso Magaca Horjoogaha).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hhhhhhh

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Somalia oo garabsanaayo kuwa AMISOM ay la wareegen Deegaano ay Gobalkaasi kaga sugnaayen Maleeshiyadda Alshabaab.

Ciiddamadda ayaa waxa ay maanta la wareegay deegaanno ay maleeshiyada al-Shabaab horay ugu sugneyd oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo ay Ciiddamadda ku qaaden Weerar aan Khasaara badan geysan isla markaana ay kula wareegen Deegaano hor leh.

Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur ‘ Siidii’, oo ah Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose, oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howl maanta ay ka sameeyeen gobolka ay kula wareegeen deegaanno ay ku jiraan Siigaale-galbeed, Buulo-Barreey, Ugunji, Hanti-wadaag iyo waddada isku xirta Qoryooley iyo deegaanka Farsooley.

Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur ‘ Siidii’, oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Ciiddamada howlgalka fulinayay aanay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada, isla markaana ay jiraan maleeshiyaad isa soo dhiibay oo uu ku jiro horjooge magaciisa uu ku sheegay Sheekh Cabdalla.

Ugu dambeyntii, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur ‘ Siidii’, waxa uu sheegay in Ciiddamadda Dowladda Somalia ay sii wadi doonaan la dagaalanka Kooxda Alshabaab oo ku harsan tiro Deegaano Gobalkaasi hoostaga.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed