2: 1,837 Jeer.
Akhriso qaar kamid ah Liiska ay Dowladda Somalia u aqoonsatay Qaswadayaasha ee loo gudbiyay QM.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Xukuumadda Somalia, ayaa waxa ay QM u gudbisay Magacyadda Qaswadayaasha ee ka Faa’iideysta Khilaafyadda iyo Colaadaha ka jira Magaallada Kismaayo.
Liiska ay Dowladda Somalia u dirtay QM, ayaa waxa uu horudhac u noqonaaya Liisas badan oo ay Xukuumadu ku dooneyso inay gaarsiiso Caalamka iyadoona wadda Qorshe Mas’uuliyiintaasi looga qaadi lahaa Baasaboorada ay ka wataan Caalamka iyadoona kuwa wata Baasaboorka Diplumaasiga lagu soo rogo Cunaqabateyn.
Dowladda Somalia, ayaa waxa ay QM ka codsatay in Mas’uuliyiinta hurinaaya Khilaafaadka ka jira Kismaayo ay Dowladaha ay Baasaboorka ka wataan ka qaadan Baasabooradda halka kuwa kalane laga joojinaayo Socdaalada ay ugu baxaan Caalamka.
Haddaba Qaar kamid ah dadka lagu daray Liiska Qaswadayaasha ayaa waxaa kamid ah:-
1- C/raxmaan Faroole
2- Prof Maxamed Cabdi Gaandi
3- Shariif Xasan Sheikh Aadan
4- Ahmed Madoobe
5- Axmed Cabdisalaan
6- Cumar Cabdirashiid
7- Gen. Fartaag
8- Xildhibaan Xidig.
Ugu dambeyntii, Dowladda Somalia ayaa waxa ay QM ka sugeysaa fulinta Codsiga, waxaana la filaaya in QM ay soo bandhigi doonto Liiska Qaswadayaasha.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨